Yuweri Musaveni Oo Soomaaliya Ku Calaamadiyay Dal Aan Dawlad Lahayn

0
665

KAMPALA, (HargeisaPress) —Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya lahayn wax dawlad ah oo shaqaysa.

Madaxweyne Musaveni oo shalay hadal ka jeediyay shir sannadeed garsoorka dalkiisa, ayaa sheegay inay Soomaaliya ka mid tahay dalal badan oo dunida ka jira oo aan dawlad shaqaysa lahayn, “Waxa jira dalal badan oo aan dawlad lahayn….way jiraan, ma laha maamul shaqeeya waxa ka mid ah Soomaaliya.”

Wuxuu hadalkisa sii raaciyay inay jiraan dalal kale oo la nooc ah Soomaaliya oo aanu doonayn inuu sheego sababo diblomaasiyadeed darted, “Qaar kale ayaa jira laakiin ma doonayo inaan sheego kuwaas sababo diblomaasiyadeed darteed.” Ayuu yidhi Musaveni.

Sababta Madaxweyne Musevani uu Somalia caddeeyey dawlad la’aanta Somalia, wuxuu ogaaday inay nugul yihiin oo aanay ka kaaftoomi karin kaalinta uu ugu jiro, maadaama 6 000 oo askari oo dalkiisa ka socdaa ay ka mid yihiin ciidammada AMISON ee ka hawlgala Somalia.

Waxase la yaableh in qoraal ka soo baxay Soomaaliya lagu sheegay inay hakiyeen xidhiidhkii ka dhexeeyey Uganda,taasi oo ah go’aan khiyaal ah oo lagu marin habaabinayo shacabka Somalia.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here