XUS OO XASUUS Qalinkii Mahamed yuusuf bidhiidh Badda

0
167

 

Shalay oo ay hayd 08/11/ 2018, waxay ku beegnayd maalintii Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee geeridii madaxweynihii koowaad ee jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali, Cabdiraxmaan Tuur.

Anoo maqaal sheekoka qorayamadaxweynahii koowaad ee jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Cabdiraxmaan Tuur, oo is lahaa Facebook oo aan aad u adeegsado ku qor oo ku xus geeridiisii oo ku beegnayd shalay oo ay ahayd 8/Nov  ayaan xasuustay in aabahaygii labaad ee noloshadayda, sodagay ay saaxiibo dhow ahaayeen marxuumkaa sharafta inaga mudan. Allaylehe maad saxatid oo wax ka waydiisid ayaan is idhi, waana u tagay oo soo salaamay.

Sodagay, waa ooridayda aabaheede, Mustafe Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Qaadi, oo sidaan horeba u tibaaxay ay saaxiibo aad u dhow ahaayeen, soona wada shaqeeyeen madaxweynaha muddo dheer, ayaan weydiiyay bal in uu inta uu ka xasuustoigu kordhiyo.Sheeko dheerna wuu igu kordhiyay.

Dabadeendna, waxa igu soo dhacday bal horta mustafe, soddogay iyo bulshadu ismaba taqaanee, intaanad Madaxweyne Cabdiraxmaan bilaabin,  u galin horta maad Mustafe qofkuu yahay maan  bulshada bartid.

Magac laga miskiin maahee horta waa Mustafe Sheikh Cabdiraxmaan Qaadi, Alle cimriga iyo caafimaadkaba ha u siyaadee, Waana nin mudan in da’ yarta iyo dhalinta reer Somalilandba ay barato, anigana waajib gaar ah ayay igu tahay in aan idinla wadaago taariikhdiisa oo ogobeey somaalidu, nasiib darro, marka uu qofku dhinto, ayuunbay taariikhdiisa iyo amaantiisaba sheegaan , balse maanta waxaan damcay in aan Mustafe idin barro intuu nool yahay, oo sidaan hore u tilmaamayba waa waajib oo waa Aabahaygii labaad ee nolosha, waa soddogay, waa ooriyad aabaheed.
Muu dhiman, oo waa xayi, Alle caafimaadka ha u siyaadiyee, balse Waa nin taariikh weyn ku leh Somaliland.
Mustafe Sheekh Cabdiraxmaan Qaadi, horta waa curadkii aabihii aqoonta ee waxbarashada JSL (Waloow laga riixday), Balse maanta la isla ogol yahay in uu ahaa aabihii waxbarashada ee galbeedka JSL, waa Qaadi Cabbdiraxmaan Qaadi Sheekh Nuur, oo waliba Sheekh Cabdiraxmaana lagu naanaysi jiraye. Mustafena waa lodkii sedexaad ee ka baxa Camuud, waxay mar wada baxeen Madaxweyne Siilaanyo.Waxayna camuud ka wada shaqeeyeen Cumar Carte Qaalib oo Cumarna macalin ka noqday, mustafana maamulkii iskuulka ayuu ka mid noqday.
Xoriyadii markii la qaatayna waxaa loo bedelay xafiiskii DC ga oo waxaa laga dhigay xoghayihii gobolka Hargeisa, haddana kii Burco iyo Sanaagba , oo ilaa 1973 uu joogay oo Ooridaydu Ceerigaabo ayay ku dhalatay.
Markii dambena waxa loo wareejiyay baankii dhexe ee xamar ee wadankii Somalia la isku odhan jiray, waaxdii lacagta adag, oo uu ilaa maalintii xamar lagu kala yaacay madax ka ahaa qaybtii lacagta adag ee central bankii Xamar.(Waloow ay buulka galiyeen wixii ka dambeeyay 1988 kii, balse wuu ku magacownaa uun oo shaqada waa lag joojiyay).
Waa haldoorkii taageeri jiray xaqa ee diidanaa tacadigii lagu kacay ummada somaliyeed, siiba degaankiisii waqooyiga, kuna shaqo seegay ee buulka lagu dhigay.
Waa guurtidii u hagar baxday dhismaha JSL iyo nabadaydii. Dedaal iyo dhaqaalana u huray inay suurtowdo.
Laila , innantiisa , waxaan jeclaaday oo aan doonay bilowgii 1991 kii, intii aan lagu dhawaaqin JSL oo Biriijkan maanta Land tan barakaysan qayb baanu ka ahayn oo ogobeey iyadoo midida la iska aslayay berigaa oo la isma bixinayn ayaanu nidhi Meel xinjir lagu daadiyay baa xab lagu bururiyaa, howl baana naga gaadhay jacaylkaa oo qaar labada dhinacba ka soo jeeda oo qabyaalada ku shaqaystaa hayaay- da hayay.
Mustafe oo berigaa ka qaxay Xamarna odayadii SM ee ii dooni lahaa innantu wey waayeen meel ay kala hadlaan oo show Addis iyo Jabouti dhexdeedo ayuu ku sugnaayoo , tacabir buu ahaa markaa. Balse Maxamed Sh Cabdiraxmaan (AHUN)oo Mustafe ka yaraa, oo Pakistaan joogay bay heleen, oo isaga innantii Laila igu daray.
( Hinda Qaadi oo eedo u ah iyo Axmed Ganay oo sxbkey ahaa, sababna u ahaa in aan Laila barto oo aanan marna iloobi karin, ayaa iyana mudan in aan u mahadnaqo oo innantaa xero galinteeda iyagaa igala shaqeeyay.)
Sheekada ila taraartay oo Laila i jiidatee, aan Mustafe u soo noqdee , waa haldoorka maanta inoo nool ee ku dayashada mudan iyo in aynu wax badanba ka barano.ee Cabdiraxmaan oo 1961 ki i Burco laga soo badalay buu yidhi ayaa i soo dalbaday in aan ADC u noqdo, waa (Assistentdistrict commissioner) oo anniga iyo Dr Maxamuud Cabdillahi Jaamac Sifir ayaa dugsigii Sheekh imtixaan nalaga soo qaaday oo ku soo faa’iznay in grade one la noo qaato. Nasiib darro se Sifir waxa ku dhagay oo soo dayn waayay Maxamuud axmed Cali oo Cabdiraxmaan walaalkii ahaa, oo yidhi adu macalin noqo oo wasaarada waxbarashada ila joog. Anniguna sidii baan ku noqday xoghayihii maamulka ee xafiiskii commisionerka oo Cabdiraxmaan tuur ahaa, saaxiib dhowna aanu ahayn.

1963 kii baa talyaaniga waxbarasho haddana la iigu diray, oo sannad baan ku maqnaa buu igu yidhi Mustafe, 1964 dabayaaqadiisii, dagaalkii xabashida ee hore, markaan soo noqdayna waxaa madax la iiga dhigay buu yidhi, xafiiskii qandaraasyada oon ilaa 1968 joogay. Kacaankii markuu dhashayna Saylac baa ii badalay oo Xasan Dheere oo gobolka loo soo badalay oon is qabanay baa igu mastaafuriyay. Adu ka cawday oo Xuseen Kulmiye Aflax oo arrimaha gudaha joogay ayaa burco ii bedelay, 1970 kii, laba sano ayaan joogay ka dibna Ceerigaabo ayaa la ii badal oo Bile Rafle oonu saaxiibo ahayn la iigu keenay. Laila halkaa ku dhalatay, gurigii aad berigii dhowayd soo sawirteen(2017 kii baanu anniga iyo reerku Ceerigaabo tagnay oo soo booqanya , sawirana ka soo qaadnay gurigii oo dunsan( FB wallkayga ka daawo), waxase muddan in aan idinla wadaago, markaanu sawirada ka qaadaynay oo ooridaydu(gabadhii halkaa ku dhalatay) ayay nagu soo xoomeen caruurtii jaarku. Tu yar oo fariid ahayd, ayaa igu tidhi, adeer maxaad u sawiranaysaan dee meesha, markaasaan ku idhi si niyad ah ” adeer waa gurigii, gabadhan i ag taagan , oo ooridayda ah ay ku dhalatoo, dee xasuus baanu u sawiranaynaa”..Meel dheer ba kamay doonine wxay igu tidhi” Dee adeer hadday ku dhalatay, maxay ka sawiraynaysaa may soo dhisto”..Waan qosol gariiray.. Iga durug magacaa ba’a ye oo soo dhiso guriga , innantaa yar waa runteede..Wali may dhisin aduu).

Way i qalin daartee, aduu mustafe siduu baanka ugu wareegay waaniga hore u so sheegay.
Mustafe maanta waa da’a, Alle ha u siyaadiye caafimaadka ee.
Berri dhoweyd buu igu yidhi, intii Siiraanyo talada hayay” talow Axmed siduu u xamilaa talada wadanka, waliba sanad ama labuu iga weynaaye” Oo ogobeey Musatafe iyo Axmedba saaxiibo aad iskugu dhow bay ahaayeen, oo Camuud xataa isku qol Buugii Xirsi baa kelmadaa i xasuusiyay.
Wuxu taariikh iyo sheekooyin iiga sheekeeyay, Alle ha daayo mar labaad.

Waa muhiim in aynu soo jireenkeena aqoon kala hadhno. Alle ha inoo daayo inta nool, inta dhimatayna naxariistii janno Alle ha ka waraabsho.

Sheekadii Mustafe, soddogay, ayaan ku dheeraadee aan tii Madaxweynaheena idiinku noqdee, Cabdiraxmaan markii koowaad ee aan nolol ku arko waxaanu ku kalanay Roma, waan aqaanay awalba oo Maxamuud, walaalkii, The father of education, baan nasiib u helay 1984 kii in aan Hargeisa kula kulmo, oo gurigiisii shacabka, Nursan schoolkii dabadiisa ku yaalay aan ugu tagno, anniga, A Ibraahim Uurdoox oo uu adeer u ahaa.

Kulan qiimo leh ayuu ahaa oo mar kalaan ka sheekayn ee aan u soo noqdo, tii aniga iyo madaxweynaha oo berigaa ahaa xoghayihii arrimaha dibada ee SNM, nagu dhex martay Roma.

1987 kii anoo waxbarasho u jooga Italy oo arday ka ahaa kulliyadii culuunta Badda ee Accademia navele di Livorno, ayuu Kornayl Muumin oo takhasus aqoon dhakhtarnimo u joogay isla kulliyadaa qaybteedii culuunta caafimaadka oo Pissa Universitet ahayd uu ii sheegay in Cabdiraxmaan Tuur imanayo Roma oo ay baarlamaankii talyaanigu u yeedheen isaga iyo Cali Khaliif Galaydh, si ay wax uga waydiiyaan dacwad ku socotay Bettini Craxi oo ahaan jiray raysal wasaarihii talyaania 1983 -1987, impeachmentana ( xil ka qaadisna) uu xilligaa kaga socotay baarlamaanka talyaankiga.
Waxaa loo aanaynayay musuqmaasuq baahsan, oo ay qayb ka ahayd caawimadii EEC( EU- da maanta) ay siin jirtay Somalia oo Italy masuul uga ahaan jirtay, ayna ka mid ahayd mashruucii warshada sigaarka ee Cali Khaliif Galayd masuulka ka ahaan jiray( Mudane Cali Khaliif, berri hore ayuu iskaga tagay oo waxay maalin wada talaabeen Madaxweyne Siiraanyo), iyo waddadii Boosaaso ilaa Garoowe.
Ma xasuusto meel uu ka soo galay Cabdiraxmaan sheekadaa, balse waxa loogu yeedhay in wax laga waydiiyo dacwadaa ku socotay Bettino Craxi.
Kornayl Muumin oo ahaan jiray madaxii dhakhtarkii ciidamada ee Burco, horteedna ka Hargeisa ka soo shaqeeyay, oo ahaa nin Xawaadle ah, asxaabna ay ahaayeen dhamaan saraakiishii SNM, aadna u necbaa systemkii barigaa wadanka xukumi jiriy ee Maxamed Siyaad madaxda ka ahaa, xaq u dirirna ahaa, oo ay sababta koorsada loogu soo dirayba ahayd mastaafuris, ayaa igu qanciyay in aan Cabdiraxmaan Roma ugu tago ( Roma waxay ii jirtaa markaa 7 saacadood oo driving ah) una soo bandhigo in aan SNM xoog ah ka hir galino Italy, maadaama oo maamulkii taliska systemkii Maxamed Siyaad xoog u yimaadaan Italy.
Jaadna inoo soo qaad markaad soo noqotid ayuu kornayl Muumin tareenkii igu sii saaray duhurkii. Garo oo iskuulkiina waan gooyay oo anoon fasax qaadan baan tareenkii iska raaca. Howsheeda ayay lahayd oo waan eedi doonaa.
Tareenkii baan ku dhacay anoo is leh walee maantuun baad qorshihii ugu fiicnaa haysaa oo Taygaro, Lixle iyo Maxamed aar toona hadhow garta kaa heli maayaan, ayaan Roma tagay goor casar gaaban ah.
Qiyaastii shantii ama ilaa lixdii, ayaan gaadhay Roma oo ah halka uu ku yaalay hotelka ay ku soo degeen oo ahaa Hotel Sant George, Indigo Roma.
Kanalka uun baa u dhaxeeyay hotell ka iyo Citta’ Veticano oo ah meesha odayga diinta kristanku fadhiisto. Oo caan ah oo dowlad gooniya oo Roma ku dhex taala.
Colosseo de Roma oo ( garoonkii ay adoonda is dila ku odhan jireen, ee ay daawan jireen) iyo Centrale terminale waxoogay buu hotelku waqooyi galbeed ka xigay. (Ha yaabin oo tilmaanta waan ku fiicnaa oo waxay ka mid ahayd duruustii la ii dhigi jiray).
Centerkii baan wax ka sii cunay, cabaara todobadii ama sideedii habeenimana hotelkii baan gaadhay. Waxaan u tagay Mujaahid Cabdiraxmaan, AHUN oo seddex nin oo kale la joogaan,ma xasuusto magacyadoodii o way igu cusbaayeen, oo fadhigii hotelka cafee ku cabaya kuna sheekaysanya.
Waan salaamay, iskuna sheekay, in aan arday Livorno dhigta ahay, mujaahidana ahay.
Cabdiraxmaan markaa waa xoghayihii arrimaha dibada ee SNM oo fadhigiisu yahay London.
Wey ka istareexeen dhamaantood, sidaan u idhi hadalka ” Arday Mujaahidaan ahay” oo ismaan ogayne, sidaan horeba u soo tilmaamay, show waxa hoosta iga shidayay, nimankii asxaabtaydii ee barigii talaabay, oon is lahaa gartay hadhow kaa heli doonaan, waa Maxamed Aar, Taygaro, Lixle, Mustafe Xasan Nuur, iyo asxaab kale oo shahiidayba.
Kaffee gii baan la cabay, si fiicana wey ii waraysteen, iskuulka, gobolkii Toscana oon ka imid, iyo xaalka guudba way iga waraysteen.
Ana waan u waramay, safaarada oo dhib badan igu haysay baan uga waramay, Kornayl muumin iyo sida uu ii ilaaliyo ayaan uga waramay, aakhirkiina arrinkii aan ugu imid baan u sheegay, oo nuxurkiisu ahaa ” Halkan baan ka bilaabayaa halgan oo maadaama ay maamulka Maxamed Siyaad maalin kasta halkan yimaadaan iyaga iyo reerahoodu oo mafiayadii talyaaniga ayaan la soo heshiiyee kharashka lagu howl galinayo mafiada i siiya oo iga bixaya”.
Adeer halkaa nagu yar sug intay yidhaahdeen, ayay aayar afartii nin oo AHUN madaxweyne Cabdiraxmaan ku jiraaba kaceen, oo iga tageen.
Waan sugay, oo sugay, oo malaha saqdii dhexe goor ay ku dhowdahay, oo sidii halkii u fadhiyo ayay qoladii receptionku igu tidhi bax oo banaanka la ii saaray.
Waan yaabay, waar mujaahidiintii talow maxaad ku tidhi, waan fakiray. Oo miyaanay rabinba action, malaha kuwani qaarba maaha, oo sow ka Cabdiraxmaan tuur ku jira. Oo kornayl Muumin, muu ku waalayay, talaa igu balaadhatay. Hotelkiina dibadaa la iiga soo saaray.
Jeebkaygu muu xumayn oo scholership baan ku joogoo lacag fiican waan hayay, Romana cid waan ka aqaanay, waxanse ka yaabay, nimankii adeeradaa ahaa ee sida fiican kuu soo dhoweeyay, maxay kaaga yaaceen markaad arrinkii aan la socotay u sheegay.
Malaha howl bay yeesheene, hotel iska gal, oo aroorta u kaalay baan naftii ku qanciyay. Hotel yar oo aan aad uga fogayn, magaciisii ma xasuustee oo raqiis ahaa ayaan iska galay goor ay cabaara saqdii dhexe ahayd.
Aroortii, sagaalkiiba waan soo kacay oo dhankaa iyo dhankaa toona maan eegin Hotel de Sankt George baan toos u imid, toosna waxaan u tagay reception kii oo ku idhi” Avrei incontrato il signore Abdirahman, non so in che stanza vive. Puoi dirmi che sono qui? ( oo ahayd waxaan la balansanaa Mr Cabdiraxmaan, qol uu degan yahayna ma ogi ee fadlan u sheeg in aan hoosta joogo) iyo Come ti chiami allora? ( Magacaa mudane) Mi chiamo Mohamed( iyo Maxamed) iyo Si prega di lasciare l’hotel ( wax yar ka dib , fadlan dhaaf hotelka oo bax)… Waan is adkeeyay, mise laba kuray xoogle ayaaba garbahaaba i qabtay oo banaanka ii tuuray.. Yaab, Waar ileyn tanoo kale, talow maxaan sameeyay.Nin weyn baan ahaayoo oo 20 jir ah, waayo aragna ahe, gartay in ay wax qaldan yihiin.
Kornayl Muumin baan kioskii( waa cabin kii telefoonada) oo berigaa mobil muu jirie, ka garaacay, anoo yaaban oo is leh u waran.
Nasiib darro se igama uu qaban oo koley guriga xiligaa maba uu joogine oo anna waa qiyaasayay, ee ku quuso uun baan is lahaa.
Halkii baan warwareegay oo is idhi waa intaasoo ay soo baxaane banaanka ku sug. Ha ka yaabin. Oo show ama mar horeba wey baxeen, ama shir bay hotelka ku galeen.Mise talow dushay iga eegaayaan oo waa kaa kii waalnaa ayay is lahaayeen.
Labadii duhurnimo ayaan iskaga hor dhaqaaqay hotelkii oon quustay oon baskii Vittoria Emanuella raacay oon islaantii Aamina ee jaadka keeni jirtay xageedii u dhaqaadhay si aan marduuf uga sii qaado oo Livornadaydii iska tago.
Fakirkii badnaa ee kolba wax is weydiinayay ayaan iskuulkii xasuustay oo waxa tanba igaga daran show, Accadamie – ya hoy ah baan dhigan jirayoo oo aan fasax la’aan laga bixi karin, anna waanigii aayar iskaga soo dhuuntoo Roma iskaga tagay oo waliba habeen ku dhaxay ee talow iyana maxaan odhan doonaa.
Kamaal Cumar Tukaale( Iminka dugsi waxbasho Borama ku leh) oo lodkii iga horeeyay ahaa ayuun baan is lahaa kaxayso oo maaamulka ha kaa sasabee. Muxtarim buu ka haa iskuulka iyo somalidaba, waan la dhagaysan jiray. 10 somali ah baanu ku joognay accademiyada oo 3 Kamaal ka mid ahaa oo lod naga horeeyay, iyo Saalax iyo Xaraaro oo sanadka sedexaad ku jiray.
Saalax gob buu ahaa balse Xaraaro xadhig lama sitaan buu ahaa oo waa coordinara toorihii safaarada oo waa ninkii aniga iyo kacaanka iskugu kaaya diray oo anna fudayd iyo kacaan diid baan ahaa isna wakiil baabu u ahaa oo wiigii ugu horeeyay een imidnba waanu kala dhimanay.
Balse Kamaal C Tukaale iyo laba innan oo ay isku lod ahaayeen oo reer Puntland ahaa, waa Mukhtaar iyo Maxamed e´ ayaa mar kasta ii hiilin jiray oo iga celin jiraya Xaraaro iyo safaaradaba.
Koofiyad Cade ayaa safiir ka ahaa berigaa safaarada, Dhoolna attache´ga na qaabilsan buu madax ka ahaa, axmaq xuna wuu ahaa,
Sheekadii aan u soo noqdee, anoo yaaban baan jaadkii marduuf gisse ah ka soo qaaday islaantii, afkaa maan saarin ee tareenkii baan goostay oo Pissa u baqoolay. Goor dambe ayaanan imid oo toosbaan ugu tagay kornayl Muumin.
Kornay Muumin, ( Maanta geeri iyo nolol toona kuma ogi, waanan jeclaan lahaan haddii in uun cidi garato in ay na soo xidhiidhiso) nin fiican buu ahaa, tiraba sedex jeer oo safaaradu dib iigu soo celin lahayd Xamar, ayuu iga badbaadiyay oo igu dhaartay. Dad xun baad tihiine ilmahan yar iska daya ayuu si cad ugu odhan jiray, isagana wey ixtiraami jireen oo haddal kumay soo celin jirin.
Gaashaanle sare dhahtar ah ayuu ahaa, way soo mastaafuriyeen, oo berri hore ayuu specializione qaatay, takhasus aanu u baahnay ayaa loo soo diray, waloow aanu cilmigu khasaare ahayn marna
Kaligii buu deganaa, nin weyna wuu ahaa oo Mujaahid Lixle ayay ruushka wada joogeen,
Markiiba wuu noo goglay, shaahna noo saaray, iyo bal waran iyo adeer nimankii waxay igu sameeyeen lagamaba sheekayn karo, iyo siday wax u dhaceen, iyo u waramay.
Iyo adeer milatariga iyo halganka anaa kaa aqaan oo malaha nimanku kumay garanayn ee saraakiisha SNM cid ku garanaysaa mak u jiraa, iyo haa oo Gacan oo saadka madax ka ah baa adeer ii ah, Muse Biixi, Axmed Dhagax iyo Gacmadheere iyaguna tol dhow baanu nahay oo si fiican bay ii garanayaan.
Adeer haddaba , nimanku waa saraakiil oo cid aanay garanyn arrimaan kalama hadlaane, aynu la xidhiidhno ragaa ku yaqaan.Anigaana warqad u qoraya ee bal si uun u gaadhsii.
Sheek Yusuf Sh Cali Madar(AHUN), Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdi Dhimbiil ,Galbeedi (AHUN) ayaan uga sheekeeyay 1992 kii ama 1993 kii midkood ahaan oo ay shaqo u yimaadeen Sweden iyagoo wada socda. Kelmadii uu Cabdiraxmaan tuur igala xishoodayna Muuse ayaa farta ii saaray igu yidhi, waloow Maxamedow aad xamaasada iyo ciilkii ku hayayba sax ku ahayd balse Abti SNM siyaasadeeda kumay jirin in wax la afduubo, ama shirqool (assasination) la sameeyee, in Aynu Mafia kiraysanona caadifad uun baa kaa keentee meeshaba inooma taalo. Siyaasadeenu waa isku caqli celin iyo isku tanaasul. Waanan garowsaday.
Sheeko dheer bay ahayd oo intaa dhaafin maayee, buugay si faahfaahsan ugu qoron tahee( Waa buug aan soo wado oo noloshaydii ka sheekaynaya, buugaagta laguma deg dego oo xagaaga 2019, ama 2020 -ka ka hor ma soo waddo, oo kii dhowaa baan ogaa wixii ka gaadhee..)

Aan u soo noqdo ujeedadii aan maqaalka u qoree, Alle ha u naxariisto Madaxweynaheenii koowaad C A Cali. Aynu u ducayno, isaga iyo madaxweyne Cigaalba, kuwa noolna ynu caafimaad iyo cimri dherer ugu ducayno, iyaga iyo waalideentiiba

Alle naxariistii jannatu Fardowsa ha ka waraabsho. Maanta oo kale (08/Nov/2003) ayuu ku dhintay London. 13 kii novemberna waxa lagu aasay Hargeisa. Alaahu yarxam.

Qalinkii Maxamed Yusuf bidhiidh Badda.

LEAVE A REPLY