Xus Iyo Maamuus Lagu Sagootiyey Suxufi Axmed-zaki Daahir Xasan Oo Dalka Dibediisa U Baxay

0
1849

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xus iyo maamuus kubadeed oo lagu sagootiyey Weriyihii Gaarka ahaa ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qabsoomay garoonka kubbadda Cagta ee Pepsi Stadium City, ciyaartaasi oo ahayd mid siixo leh ayaa waxa lagu kala qaaday koobkii lagu sagootiyey Suxuf Axmed-zaki 1 vs 0 waxaana hanatay kooxdii ku ciyaaraysay magaca Good Bye Zaki, ka dib ciyaar aad u xamaasad badan oo halkaasi ka dhacday gelintii dambe ee Maalinimadii Axada.

Suxufi Axmed-zaki oo muddooyinkii u dambeeyey ahaa weriyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ahaa wiil dhalin yaro ah balse karti iyo dedaal dheeriya ku hantay xilkaasi miisaankiisa leh ee uu qaranka u hayey, waxaanu wakhti xaadirkan u baxay dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Sweden oo uu ka helay deganaansho rasmi ah, waxaanu halkaasi ka sii wadan doonaa hawlihii qaranka Somaliland iyo Aqoontiisa shaqo.

Bahda Qasriga Madaxtooyada Somaliland, warfaafinta iyo asxaabta kala duwan ee ay xidhiidhka walaaltinimo iyo wada shaqaynayd ay wada lahaayeen Axmed-zaki Daahir Xasan ayaa u gelbiyey dhinaca Airport ka hargeysa oo uu ka dhoofay Suxufigaasi, waxaanay u rajaynayaan in Alle  la kulan siiyo nolol farxad leh iyo jawi wanaagsan oon dunuub iyo dambi toona lahayn Amin Amin Amin.

LEAVE A REPLY