“Xukuumadda Waxaanu Leenahay, Si Xikmad & Tallaabo-Tallaabo Ah Wax Ha Loo Saxo..” Sheekh Aadan-Siiro

0
1596
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro),

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Manata kaga hadlay Hoggaamintii Nebigeenna Muxamed (CSW), taasi oo uu tilmaamay inay muhiim tahay inay raacaan ama ku daydaan Madaxda Somaliland.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay Dhulka Raasiga Berbera oo Xukuumaddii hore Dad gaar ah siisay, balse Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegtay in dib loogu soo celinayo Gacanta Dawladda.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Hoggaamintii Nebiyullaahi Muxamed (CSW) iyo sidii uu ula dhaqmi jiray Munaafaqiinta ka soo horjeeday Fidinta Diinta Islaamka ayaa yidhi “Maanta Muslimiinta waxa ka mid ah Dad u taliya oo Muslimiinta iibinaya, waxa ka mid ah Muslimiinta qaar Magacyo waaweyn leh oo intaas oo Sheekh ay Minbarrada uga duceeyaan kana amaanaan oo haddana la ogyahay inay yihiin kuwa gaadhay inay iibiyaan Muqadasaadka.  Muslimiinta waxa ku dhex jira koox la yidhaahdo Munaafaqiin, sababta ay ugu jiraana waa inay Dadka dibin-daabyeeyaan oo ay Muslimiinta Foof-daran Habaabiyaan sida ILAAHAY Qur’aankiisa kaga warramay, laakiin Nebigu (CSW) wuu hoggaamiyey oo wuu la dhaqmay, waanu iska ilaaliyey oo Sharkooda wuu iska moosay (Munaafaqiinta).”

Sheekh Aadan wuxuu Khudbaddiisa Jimcaha kaga warramay mid ka mid ah Munaafaqiintii noolaa xilliyadii ugu adkaa ee Nebigu (CSW) ku jiray Fidinta Diinta Islaamka iyo siduu ula dhaqmay Nebigu Ninkaasi oo ahaa Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool, waxaanu yidhi “Dagaalkii Bedder intaanu dhicin Ninkii la odhan jiray Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool wuxuu u sharraxnaa inuu u taliyo Magaalada Madiina, wuxuu ahaa Nin deeqsi ah, wuxuu ahaa Nin Garasho badan oo Dadka Ururiya, wuxuu ka dhashay Qabiilkii Khasraj, iyaguna waxa ku waafaqsanaa in laga dhigo Boqorkii Madiina Qabiilladii Aws oo ka mid ahaa Qabaa’ilka waaweyn. Rasuulku (CSW) markii uu yimid Madiina, Ansaartii toos ayay ugu wareegeen hoggaantii Nebiga (CSW), Ninkii Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool wuxuu Go’aansaday inaanu Islaamin ee uu la dagaallamo Nebiga (CSW), maaddaama oo uu aaminay in Boqortooyadii uu isagu qaadan lahaa uu la wareegay Nebigu (CSW), isagoo sidaas ah ayaa Dagaalkii Bedder dhacay, waxa Dagaalkaa lagu dilay 70 nin oo Madaxyo weyntii Quraysh ah oo ay ka mid yihiin Abu Jahal, Naqtal Binu Xaaris, waxa lagu dilay Ubaya binu Khalaf iyo kuwo kale, taasi Gilgil bay ku ridday Carabtii ku xeernayd Nebiga CSW (ee ka soo horjeedday), waxayna ogaadeen Quwadda keliya ee jirta ee Cid kasta weerrari kartaa inay tahay Nebiga (CSW).

Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool baa dhintay isagoo sidaas ah (Ka soo horjeeda Nebiga), markii uu dhintay ayaa Inankiisii  oo Saxaabada Nebiga ka mid ahaa oo isagana la odhan jiray Cabdillaahi Binu Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool ayaa u yimid Rasuulka (CSW) waxaanu ku yidhi yaa Rasuullulaah Aabbahay wuu dhintay, waxaan doonayaa Khamiiskaagii dheeraa ee Qurxuda badnaa inaan Aabbahay ku kanfo ee keen, Saxaabadii Rasuulka oo soo taagan isla-markaana aan ogolayn in Khamiiska Nebiga lagu kanfo Ninkaa Cabdillaahi Binu Salool ee Nebiga waxaad ogayd ku sameeyay ayaa haddana Nebigu (CSW) uu Inankiisii u dhiibay Khamiiskii, Saxaabigii markuu sii dhaqaaqayey ayuu yidhi ‘Yaa Rasuulullaah adigaa ku tukanaya Meydka Aabbahay una ducaynaya, Cumar Binu Khaddaab baa Nebiga ku yidhi haddaad Khamiiskii u dhiibtay ha ku tukan hana u ducaynin, laakiin markii Meydkii la diyaariyey ayuu Cabdillaahi Binu Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool soo noqday oo uu Rasuulka (CSW) ku yidhi kaalay ku tuko, markii ay noqotay inuu ku tukado ayuu Cumar Binu Khaddaab Guntiga qabtay Rasuulka (CSW) waxaanu ku yidhi ha ku tukan, laakiin Markii Rasuulku (CSW) ku tukaday ayaa waxa soo degtay Aayadda odhanaysa ‘kaa Munaafaqa ah ee Islaamka la dagaalamaya oo dhintay ha ku tukan Meydkiisa, Qabrigiisana ha is dul-taagin’, haddana Rasuulka oo u ducaynaya (Cabdillaahi Binu Umaya Binu Salool) ayaa waxa soo degtay Aayadda Macnaheedu yahay ‘ama ilaahay u dambi dhaaf wayddii ama ha u dambi-dhaaf waydiinin, ilaahay u dambi dhaafi maayo kuwa munaafaqiinta ah ee islaamka la dagaalamaya’. Maxaan uga jeedaa? waxaynu wadnaa Tilmaamo aynu Xukuumadda cusub u tilmaamayno siduu Nebigu (CSW) uu Ummadda u hoggaamiyey. Xukuumadda cusub waxaanu leenahay Nebigu (CSW) xitaa Munaafaqiinta ayuu ilaalin jiray, waa in Bulshada la isku wado, waa in Af-miishaarka la isku wado. Xukuumadda waxaanu leenahay Dadku Xaq-bay Dalka ku wada leeyihiin, waa in si Xikmad iyo Tallaabo-tallaabo ah wax loo saxo.

”Warka Sheekh Aadan-SIIRO !Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay inay Xukuumadda ku waafaqsan yihiin inay soo celiso Dhulka Raasiga Berbera oo Xukuumaddii hore siisay Dad gaar ah  “Waxaynu dhammaanteen Waafaqsannahay in Meelaha Xasaasiga ah ee Berbera ka mid tahay ee Ummaddu lahayd sideeda loo soo celiyo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Anigu waan tagay Raasiga Berbera, 200 Mitir (oo dhulka Dekedda ah) ayaa la leeyahay Hebel baa leh. Waxyaabaha aad loola yaabo waxa ka mid ah in Nin qaatay Dhul 200 Mitir ah oo haddana Dekeddii Ciid ku aasaya oo haddana Berbera oo dhami daawanayso. Xukuumadda waanu ku barbar taaganahay in la soo celiyo Dhulkii Dekedda Berbera lahayd, waxaanu leenahay Dhulkii Berbera hala soo wada celiyo, dhulkii Ashkhaastu qaateen hala soo celiyo, waxyaabaha aynu Xukuumadda isku barbar taagayno ayay ka mid tahay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here