“Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in ay fuliso heshiiskii Khaatumo”.. C/raxmaan Cirro

0
844

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ugu baaqay xukuumada inay fuliyaan heshiiskii xukuumadii hore ay la geleen Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo kooxda Khaatumo.

Cabdiraxmaan Maxamed Canbdilaahi ( Cirro), waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka.

Waxaanu xukuumada si kooban ugu sheegay in loo baahan yahay in dalka la mideeyo, “Xukuumadda KULMIYE,  waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo.

Waxaana muhiim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka”ayuu ku yidhi Cirro qoraalkiisa.

Geesta kale Dr.  Cali Khaliif Galaydh,  ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu la galay  isaga iyo kooxdiisii Khaatumo heshiis nuxurkiisu ahaa  sidii loo dhammayn lahaa tabashada bulshadda gobolka Sool ka qabto Somaliland.

Waxaana la filayay in madaxweyne Biixi fuliyo arrimahaasi laakiin, marar badan ayuu niyad jab ka muujiyay Cali Khaliif fulin la’aanta heshiiska.

Hese yeeshee madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaan mudadda ay xilka hayeen marnaba   soo hadal qaadin wax ku saabsan heshiiskaas iyo fulintiisaba.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here