Xukuumadda Somaliland Shaacisay Tiradda Gaadiidka Qaatay Sumadda Baabuurta

0
919
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor ayaa shaac ka qaaday tirada gaadiidka loo badelay sumadda gaadiidka (Bileydh Lunberka).

Wasiir Cabdillaahi waxaa uu sheegay in gaadiidka diwaangashani ay yihiin boqol kun oo gaadhi hase ahaate inta bileydhka lanbarka loo badelay ay dhan yihiin labaatan kun oo gaadhi.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay wadaan keenista (Card Reader) ama mushiin akhriya xogta ku duugan kaadhka uu wato wadaha gaadhigu, kaasi oo caddeynaya in uu isagu leeyahay iyo in kale.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxaa uu sidan ka sheegay mar uu wareysi gaara siinayay muuq baahiyaha Saab.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor  isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Hawshan badelista bileydhadda gaadiidka waxaa aanu bilaabnay 11/9/2018 qorshuhuna waxaa uu ahaa in mudo lix bilooda gaadiidka Somaliland loogu badelo bileydh lanbaradda, kuwa cusubna lagu dhaqangeliyo, Alxamudlilaah si wanaagsan ayay u socotaa shaqadaasi, si wanaagsan ayaaney u qaadanayaan lixda gobol ee Somalilandba, haku kala badnaadaane imika meel fiican ayay mareysa laakiin waxaad mooda in aanan wali qorshahayagii gaadhin, maalintii lixda bilood waxa ay ku eeg tahay 10/3/2019 bulshada reer Somalilandna sidaasi hawla socdaan”

Dhan kale wasiir Cabdillaahi waxaa uu shaaciyay gaadiidka sida rasmiga ah u qaatay (Bileydh Lanbaradda) ama sumadda gaadiidka waxaanu yidhi  “Gaadiid tiradoodu dhan tahay ilaa 20-kunn oo gaadhi ayaa loo badelay bileydh lanbaradii, waagi hore may jirin nidaam gaadhigu dalka ku soo galo iyo mid uu kaga baxo hase ahaate imika waxaa fududaaneysa in la ogaado gaadhi kasta wakhtiga uu soo galay iyo wakhtiga uu ka baxay, iyo sababaha uu uga baxayba, sidoo kale xeer waxaa jira nagu waajibinaya in shantii sanaba hal mar la diwaangeliyo gaadiidka dawladda, marka hada si wanaagsan ayay wax u socdaam marka waxaanu rajeynayna in aanu hadafkayaga gaadhi doono Insha Allah sababto ah waxaa noo diwaangashan boqolkun oo gaadhi, marka diwaangelintani waxaanu uga goleenahay in la ogaado tirade rasmiga ah ee wadanka jooga”

Wasiirka gaadiidku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaasi ku daray  “Kaadhkan iyo kii horeba waa ay jiraan laaakiin kii hore muu laheyn meesha lagu keydinayo xoga qofka, sidoo kale waxaa uu leeyahay laba iyo toban dhanka abniga ah oo qarxoon, lana ogaanayo, waxaa kale oo aanu sameynay xog dhameystiran waxaa hada qorshahayagu yahay in aanu keensano kaadh akhriye, kaasi oo markaaba soo tuuraya marka kaadhka qofka la galiyo xogta ku jirta, cida gaadhiga iska lehna waxaa soo saaraya ‘Card Reader” ama kaadh akhriyaha, markaa waa nidaam meesha ka saaraya in la khiyaameeyo kaadhka qofkani leeyahay”

Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Cismaan Abokor waxaa uu tilmaamay inay wadan qorshaha  daahfurka mishiin akhriyi doona kaadhka uu sito wadaha baabuurku waxaanu yidhi   “Dhawaan waxaa aanu bilaabi doonaa hanaan lagu baadhi doono sanadkiiba hal mar gaadiidka dalka gudihiisa, ama mid qof leeyahay oo gaara ha noqoto ama mid hay’addeed ha noqote, waxanu dhawaan ugudbin doona gudida qandaraasyadda qaranka, gaadhiga aan baadhitaan soo marina in aan laba cashuuri doonin”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here