Xukuumadda Somaliland Oo Xidhxidhay Masuuliyiin Musuq Maasuq Ku Eedaysan

0
898
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dr. Cismaan Xuseen Warsame

Hargeysa,(HargeisaPress)—Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr: Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta Telefishanka Qaranka Xasan Maxamuud Muxumed ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii hanti dhawruhu ku eedeeyey arrimo musqmaasuq, sida ay shabakada Wajaalenews u xaqiijiyeen masuuliyiinta Hantidhowrku.

Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta Dr Cismaan Xuseen Warsame ayaa sadex cisho ka hor iska casilay xilka wasaaradda waxaanu sheegay in arrimo caafimaad uu xilka u hayn kari waayey.

Wasaaradda warfaafinta waxa ka socday baadhis maaliyadeed, waxaana eeddo musuqmaasuq dul hoganaysa madaxda sare ee wasaaradda,waxaana la filayaa in wasiirka laftiisa xilka laga qaado maadaama oo lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq.

Hanti dhawrka ayaa inta badan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ka waday baadhitaan lacageed, waxaana la filaya in maalmaha soo socda ilaa sideed mas’uul xabsiga loo taxaabo kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro sida illo lagu kalsoon yihiin noo xaqiijiyeen.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY