Xukuumadda Somaliland Oo Xidhiidhka U Jartay Dalka Qatar Taageero Buuxda U Muujisay Xulufada Uu Hogaaminayo Sucuudiga Iyo Imaaraadku

0
1522

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa goor dhawayd ku dhawaaqday inay xidhiidhka u jartay dalka Qatar  oo dhawaan ay go’doomiyeen wadamo badan oo kamid Khaliijka isla markaana lagu eedeeye inay lug ku leedahay kooxaha argagixisada.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa goordhawayd shaaca ka qaaday go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatay dalka Qadar,waxaana uu shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay taageertay xulufada isbahaysiga ah ee ay hogaaminayaan dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiir Sacad ayaa sidoo kale waxa uu banaanka soo dhigay go’aamo kasoo baxay kulan ay wasiirada xukuumadda madaxwayne Siilanayo iskugu yimaadeen oo ay ku go’doominayaan dalka Qatar.

advertisements

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here