Xukuumadda Somaliland Oo U Jawaabtay Xisbiyada Mucaaradka Oo Siyaasadeeyey Dacwada 2 Telefishan

0
1047

Hargeysa (Hargeisa Press): Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka  iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Kuwaasoo  siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:-

“Ma Jirto wax  cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinayso  Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aanu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa  warbaahinta inay  dabbaqdo  xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato  wixii dhaawacaya qaranimada JSL.

Sida uu dhigayo xeerka Saxaafadda  Somaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay  baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay   30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta  wararka lafjabka ku ah  qaranimada JSL, iyadoo aanu ku ammaanayno in  Saxaafadda   inteeda badani ay  xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda.

Labada Telefishan ee SAAB  TV  iyo STAR TV, waxay si anshaxa  saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen  kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahayn  oo  hiil u ah cadowga Somaliland.

Sidaas awgeed, waxay  Wasaaradda  Warfaafintu dacwad  u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka  si ay waajibkooda uga qabsataan  xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin   inay iska difaacaan sharciga horitiisa.

Haddaba,  waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oo   siyaasadeynaya  eedaha  lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana  xisbiyada mucaaridka ah  looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka  iyo dowladnimada Somaliland oo aanu hiilkoodu   noqon mid u muuqanaya  inay taageerayaan Somaliland diidka    mangansaday cadowga Somaliland.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here