Xukuumadda Somaliland oo soo Dhawaysay Cuna-qabatayntii la Cusboonaysiiyey ee Soomaaliya

0
862

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa   ku bogaadisey   xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay qaraarkii ay ku cusboonaysiiyeen cuno-qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya 14kii Bishan November.

Sidaasna waxa  lagu bayaamiyey   war-murtiyeed maanta ka  soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  JSL oo soo gaadhay Xafiiska Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay dowladda  JSL eedaysay    Soomaaliya  in aanay siyaasad ahaan iyo amni ahaan awood u lahayn inay xafido  Hubka iyo Rasaasta, sida ku cad Warbixin Golaha Ammaanka la horgeeyey 9kii bishan November oo qiraysa in aanay Soomaaliya tahli karin inay hanato  hubka iyo saanada ciidammada.

Xukuumadda JSL waxay ku ammaantay Golaha Ammaanka Qarammada Midoobay tallaabada ay ku sii adkeeyeen cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland waxay  xaqiijisay inay aaminsan tahay in hub kasta oo la siiyo Soomaaliya uu halis ku yahay JSL, dalalka jaarka iyo ammniga adduunkaba.

Xukuumadda Somaliland waxay intaas ku dartay   inay si xoog leh u cambaareynayso  dalalka hubka siiya Soomaaliya, Iyadoo hubka la siiyaa uu   aakhirka ku dambeeyo gacanta kooxaha argagixisada iyo maleeshiyo beeleedyada Soomaaliya.

Dowladda Somaliland waxay ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan  Golaha Ammaanka Qarammada midoobay inay sii wadaan cunaqabataynta hubka Soomaaliya oo  xoojinaysa wadajirka nabadgelyada mandaqada iyo ammaanka caalamkaba.

Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay soo dhaweysay heshiiska nabadeed ee dalalka Itoobiya iyo Ereteriya iyo murankii dhinaca xudduudaha ee u dhexeeyay labadaas dal iyo furdaaminta khilaafka soohdimaha  ee  ka dhex oognaa illaa 2008dii   Jabuuti iyo Ereteriya, waxaanay JSL ku baaqday  in waanwaantaasi  noqoto mid iskaashi u horseeda gobolka.

Xukuumadda Somaliland waxay ku guubaabisay   Golaha Ammaanka Qarammada midoobay, urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo  xubnaha dalalka Qarammada midoobay in ay taageeraan sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah mid faa’iido ugu jirto mandaqada iyo nabadgelyada caalamka.

Waxa kaloo warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland lagu sheegay in gobolka Geeska Afrika ay soo mareen heshiisyo la mid ah kuwa   Somaliland iyo Soomaaliya; sida Itoobiya iyo Ereteriya iyo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ugu dambayn, waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in Somaliland kaalin ka geysatay xasiloonida mandaqada 27kii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay ku dooday inay  wali la tacaalayso kooxaha argagixisada, kuwa dadka tahriibiya, waxaanay mudnaanta siinaysaa sidii gobolku  iskaashi dhaqaale u gaadhi lahaa.

LEAVE A REPLY