Xukuumadda Somaliland Oo Sheekh Saleebaan U Diiday Inuu Khudbadda Jimcaha Ka Jeediyo Masaajidka Berbera

0
1013
SHEEKH SALEEBAN

Berbera, (HargeisaPress) — Isu Duwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobalka Saaxil Sheekh Maxamed Axmed Xuseen ayaa qoraal uu u gudbiyay ciidamada Booliska, wuxuu ku wargeliyay in Sheekh Saleban laga joojiyay inuu khudbadda jimcaha ka akhriyo masaajidka Khaalid Binu-waliid ee Berbera oo uu hore uga akhriyi jiray.

Sidoo kale waxa warqadda lagu sheegay inaan Sheekh Saleban loo ogolaan doonin inuu khudbadaha jimcaha ka akhriyo masaajidada guud ahaan gobalka Saaxil.

Talaabadan ay xukuumadu qaaday ayaa timid ka dib markii uu Sheekh Saleban iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana uu sidoo kale ka baxay xisbiga KULMIYE, isagoo ku biiray xisbiga Waddani ee mucaaradka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here