Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Fiirsanayso Bilowga Wada Hadalada Soomaaliya, Ka Dib Hadaladii Ay Muqdisho Ka Tidhi Heshiiska Dekeda Berbera

0
1093
foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso wada hadalada Somaliya ee loo balansanyahay, ka dib hadalkii uu raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre kaga falceliyay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Berbera ku saabsan ee dhex maray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP world.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo Wargeyska Geeska Afrika wareystay, ayaa sidoo kale ka hadlay ganacsiga qaadka Miirooga ee Kenya, is bedelka ku yimid heshiiska Dekadda Berbera, Saamiga Itoobiya laga siiyey, iyo qodobo kale, waxaanu wareysigu u dhacay sidan

Sida la baahiyey Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Kenya, waxay si toos ah u fasaxday in Qaadka Miirooga Somaliland loo suuq geeyo, markaas sidee ayaad u aragtaa?

Imika Qaadka Miiroogu  Laascanood wuu yimaada,  halkan lafteeda laba diyaaradood oo joogta ah ayaa yimaada,inagu weynu soo dhaweeynaynaa ganacsiga aynu la leenahay cid kastaba, khaasatan jaarkeena, dad badan oo Keeniyaana ayaa halkan jooga, inaga lafteenu jaaliyad balaadhan baynu Kenya ku leenahay, oo deganayd muddo fara badan, Kenya iyo inaguba waxaynu ahaan jiray maxmiyad Ingiriisa, mar baynu isku lacag ahayn oo isku sharci ahayn, waa dad runtii cilaaqaad taariikhiya aynu leenahay, ganacsiga aynu filaynaana waa ganacsi labadeenaba waxtar inoo leh, waxaanu doonaynaa in aanu wax is weydaarsano.

Waxa jira dad ku doodaya in heshiiskii DP world ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen uu ku jiray qodob odhanaya in aanay Somaliland iyo DP World midna saamigiisa muddo shan sanno ah iibin karin, markaas maxaa hadda keenay in Itoobiya laga iibiyo?

Heshiiska waxa ku qoran in cid waliba cida ay doonto ka iibin karto haddii cida kale raali ka tahay, laakiin waa in aanay ka bixin oo saamigeeda wada iibinin, oo aanay ka bixin kana tagin meesha gabigeedaba kana noqon, markaas shanta sanno waa sidaas, laakiin qolo waliba xaq bay u leedahay inay saamigeeda cid kale la qaybsato, waa haddii aynu raali ka nahay.

Heshiiskii DP World iyo Somaliland, Golaha Wakiilada ayaa ansixiyey, imikana heshiiskii is bedel baa ku yimid, oo Itoobiya ayaa qayb ka noqotay, markaas miyaanay ahayn in dib loo geeyo heshiiska Golaha Wakiilada?

Heshiiskani heshiiskii hore ayuu ku saleeysan yahay, laakiin sharcigu wuxuu dhigaayo ayeynu raaci doonaa, waana arin sharciga ku xidhan sida loo dhigaayo,

Turkigu wuu ka xumaday in wada hadaladii laga soo wareejiyo sidee ayaad u aragtaa?

Turkigu wuu ku mahadsan yahay dadaalkii uu sameeyey, iyo sidii uu iskugu keen soo dhaweeyn lahaa inaga iyo Somaliya, laakiin muddo ayuu ka ahaa hormood, waxba kama midho dhalin, meel haddii ay wax ka midho dhali waayaan meel kale ayaa la tijaabiyaa, maaha wax aanu ku dhaliilnayo, ama ku fogaynayno, waxaanu isaga leenahay waad mahadsan tahay laakiin waxa la soo gaadhay xilligii cid kalena la tijaabin lahaa, hadda lafteedana wixii talo iyo tusaale ah ee uu muujiyo ama uu ina siinaayo inagu ma diidanin, oo doorkaas wuu ciyaari karaa, laakiin doorkii dhex-dhexaadinta cid kale ayaanu tijaabinaynaa insha allaah.

Mar haddii ay Somaliya ka soo hor jeedsatay heshiiskan saddex geesoodka ah ee Imaraadka, Somaliland iiyo Itoobiya,isla markaana Raysal-wasaaraha Somaliya uu sharci daro ku tilmaamay, sidee ayey wada hadaladu ku suurtagalayaan, maxa se idinka meel yaala?

Cunfigaas ay muujiyeen Somaliya waxay keenaysaa in aanu dib uga fiirsano wada hadalkii, dib ayaana uga fiirsanaynaa, jawigan ay imika abuureena maba aha jawi lagu wada hadli karaba.

Mar haddii ay Somaliya ku adkaysto mawqifkeeda ah inuu heshiiskan saddex geesoodka ahi uu sharci daro yahay maxay kula tahay?

Weynu ka tashan doonaa haddii jawi lagu wada hadlaa aanu jirin, wax lagu wada hadlaa maba jiraan.

Maxaad Bulshada Somaliland ugu baaqaysa?

Bulshada Somaliland marka hore khayr baan u rajanayaa, iyo inuu ALLE nabadaas iyo wanaagaas inoogu wado, iyaguna inay midoobaan, oo wadankooda meel uga soo wada jeedaan oo cadawgooda meel uga soo wada jeedaan,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here