Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in axsaabta Mucaaradka ay u Furayso Shir Wadatashi ah

0
1293

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Saylici ayaa maanta sheegay in xisbiyada mucaaradka ah u furi doonaan wadahadal ay kaga arrinsanayaan khilaafka siyaasiga ah ee billowday.

Saylici ayaa sheegay in Bisha May 20, 2015 u cayimeen wada tashi ay la yeelan doonaan xisbiyadda mucaaradka, isla markaana ay iyagu gudahooda dhammeysanayaan wixii khilaaf ah ee jira.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in beesha caalamka oo xalay kulan la yeesheen u sheegeen in aanay soo farogalin arrimaha dhexdoodda,isla markaana waxa kasta oo jira ay dhexdoodda dhamaysanayaan.

“Marka Somaliland nahay waxa inoo caado iyo dhaqan ah in mar kastaoo khilaaf yimaado inagu kaligeen dhamaysano oo aanan cid kale u baahan, Carrab iyo labadiisa daan baa is-qaniina mar walba khilaaf wuu imanay laakin inaga ka wada hadlayna, marka khilaafkan siyaasiga ah ee ka bilaabmay muddo kordhinta anigoo ku hadlaya afka xukuumadda iyo afka xisbiga kulmiye waxaan shacabka u iclaaminayaa in xisbiyada u furayno wada hadal, marka aanu ka baxno u diyaar garowga maalinta madax banaanidda Somaliland ee 18 MAY ina dhaafto aanu gogosha furayno, laba cisho ka dib bishan Labaatankeedda u fidinaynaa gogol iyo wada hadal”.

Mar uu ka hadlayey go’aanka golaha Guurtidda waxa uu yidhi“ waxa aan idin sheegayaa in golaha Guurtiddu yahay hay’ad dastooriya oo aan cidna kala tashan go’aankeedda, xukuumadda iyo cid kale toona kalama tashato, markii ay xisbiyadda iyo cidda khuseyso la tashatay ayey go’aan gaadheen, marka haddii khilaaf arrintaasi ka dhashay waxaan ogolnahay in aanu wada tashi qaran iskugu nimaadno marka laba cisho ee dabaaldugu inaga dhamaato”.

Mar la waydiiyey inay iyagu dabadda ka riixayeen muddo kordhinta waxa uu yidhi “dib u dhaca ku yimid doorashadda maaha mid aanu anagu ka masuul nahay ee waa mid farsamo oo la eegayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, maadaama oo la doonayo in hal cod iyo hal qof noqdo”.

????????????????????????????????????

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Saylici

Mar uu la hadlayay Beesha Caalamka ayuu yiri “Beesha Caalamka Waanu uga Mahad-naqayna wada shaqaynta naga dhexeysa, laakin arrimaha noo gaar ah waa mid aanu anagu ognahay dantayada iyo duruuftayadda waxaana u sheegnay in hawlahayga dibadda ka joogaan oo aanu anagu dhamaysnayno”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ka aqballay, isla markaana ay kulmeen, haseyeeshee xisbiga WADANI aanay wali la xidhiidhin, balse ay la kulmi doonaan.

Si kasta ha ahaatee, wefti uu hoggaaminayey safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Michael Cervone ayaa shalay la kulmay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Saylici, waxayna wararku sheegayaan inay ka wada hadleen arrimaha xilli kordhinta taasoo ururka Midowga Yurub sheegay in madaxweynuhu ka noqdo, isla markaana go’aankaasi guurtidda uu buriyo, haseyeeshee, madaxweynah ayaa ku adkaystay in golaha Guurtiddu yahay gole dastuuriya, isla markaana beesha caalamka codsaday in aanay soo farogalin arrimaha gudaha ah, waxaanu u balanqaaday in iyagu wixii khilaaf siyaasadeed dhexdeedda dhamaynayso balse aanu marna ogolaanayn in beesha caalamku soo faro galiso go’aamo dastuuriya.

Wararka aanu ka helayno dhinacyada ayaa iyagana sheegay in labadda dhinac ku kala aragti duwanaa Arrimaha muddo Kordhinta, isla markaana Dood dheer ka galeen Sidii loo Xallin lahaa arirmahaas, maadaama Beesha Caalamka dhaqaalo badan ku bixiyo Doorashooyinka Somaliland iyo caawimooyinka xaga horumarintaba.

Beesha Caalamka ayaa saameyn ku leh doorashooyinka Somaliland, maadaama ay 75% dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka ay iyagu bixiyaan, taasina waxay keentay in mar walba Dhinacyada ay sida gaarka ah u Khuseyso Doorashooyhinku la Kulmaan, iyagoo hore ula kulmay golaha Guurtida, isla markaana ku taliyey in xilli ka badan ta gudiha doorashada soo jeediyeen aanay kordhin, balse Golaha Guurtidu way ku gacan-sayreen arrintaas.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here