Xukuumadda Somaliland Oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Roobabkii Hargeysa Ka Da’ay

0
1138

Hargeysa ,(HargeisaPress) —Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa,ayaa shaaciyay in Shan qof ay ku dhinteen, Sagaal qof oo kalena laga badbaadiyey daadkii ka dhashay roob xoogle oo caawa ka da’ay magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda.

Waxa Laba qof ay ku dhinteen markii Laydh ku qabsaday xaafadda Sheekh Madar ee caasimadda Hargeysa, halka saddex qofna ay ku dhinteen Baabuur daad qaaday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed  wuxuu intaas ku daray in sagaal qof ciidammada Booliska iyo kuwa dabdamisku ay ka badbaadiyeen daad qaaday.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa inay ka fogaadaan meelaha biyo mareenka ah si looga hortago mashaqo ka dhalata xiliga roobku da’ayo.

Maxamed Kaahin Axmed wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen shanta qof ee ku dhintay roobkii  caawa ka da’ay Magaalada Hargeysa.

Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Guduhu uu ammaanay Ciidammada Booliska iyo kuwa Dabdamiska oo gurmad laxaadle ka galay samato-bixinta dadkii roobku khasaaraha u geystay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa Gaadiidleyda faray inay banneeyaan jidadka magaalada ee ay marayaan gaadiidka ciidammada ee gurmadka  ku jira. Waxa kaloo halkaasi ka hadlay Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen shanta qof ee dhintay, waxaanu dadweynaha ku booriyey inay baneeyaan meelaha biyo mareennada ah.

Masuuliyiinta kale ee gurmadka ka galay khasaarihii ka dhashay roobkii caawa ka da’ay Hargeysa waxa mid ahaa Wasiirrada Warfaafinta, Hawlaha Guud, Badhasaabka Gobolka Maroodijeex  iyo Masuuliyiin kale.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY