Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Gaadiid iyo Maxaabiis ay Ku Soo Qabsadeen Dagaalkii Saaka

0
886

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay gaadiid dagaal iyo maxaabiisba ku qabsadeen dagaalkii saaka dhexmaray iyaga maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland

Dhanka kale waxaa ay dagaalkani xukuumadda Somalilanad ku eedeysay inay ka danbeyso dawlada Faderalka ah ee Soomaaliya, islamarkana ay weerarka ku horeeyeen Punland

Waxaana sidan sheegay wasiirka wasaarada gaashandhga mudane Ciise Axmed Yuusuf Xawar iyo wasiirka wasaaradda warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo sida wada jira shir jaraa’id ugu qabtay gudaha magaalada Hargeysa

Wasiirka wasaarada gaashandhga Jamhuuriyadda Somaliland mudane Ciise Axmed Yuusuf Xawar oo ugu horeyn halkaasi ka hadlaya ayaa sheegay in ay gaadiid dagaal iyo maxaabiista ku soo qabsadeen dagaalkii saaka ee dhexmaray iyaga iyo Puntland waxaanu yidhi isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya “Weerarkii qaawana ee gardarada ahaa ee ay soo qaadeen ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland 5:30 subaxnimo ee saaka ayay laba aag weerar ka soo qaadeen, labadaasi aag, aag waxaa uu ahaa dhanka bariga ee laamiga xiga, dhinacna waxaa uu ahaa dhanka Hawdka, labadaas aagba ciimada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland diyaar ayay ahaayeen, dagaalkiina hada waa uu soo dhammaaday, ciidanka Somalilandna waa ay iska caabiyeen, hada ciidamada qaranka Somaliland deegaanka God-qaboobe wey dhaafeen oo waxaa ay badin la wareegeen fadhisinadii ciimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ciidamada qaranka Somalilandna waxaa ay hada ku soo noqdeen goobihii hore fadhiisinka ugu ahaa oo wey soo laabteen,dagaalku wuu dhacaa hase ahaate guushu maanta dhankeena ayay ahaatay, gaadiid iyo huba waanu ka heynaa maxaabiis iyo gaadiidbana waanu ka heynaa oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee bada ayaa ku jiray dagaalka”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo isna madashaasi ka hadlay waxaa uu xusay inaanay diyaar u aheyn inay daadiyaan dhiig islaam bisha barakeysan ee Rabadaan waxaaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Maanta waxaa ay is yidhaaheen waa ay dagan yihiin ee gaada sidii maalintii hore, hase ahaate waxaanu u sheegaynaa in ciidamada qaranka Somaliland ay markasta heegan buuxa ugu jiraan difaacada qaranimada Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland, hadii Rabadaan lagu jiro, hadii gurmadka dadka lagu jiro iyo may lagu jiraba ay mudnaanta siinayaan sidii ay u difaacilahaayen wadankooda, sidii hore madaxweynaha qaranka Somaliland hore u sheegay anagu ma dooneyno in umada Islaamku ay doooneyso inay cibaadeyso inaanu dhiig daadino, hase ahaate qoladaasi way ka suurtowday waananu iska celinay nabad-geliyo kuwada noolaansho daris wanaag ayaanu intaba anagu diyaar u nahay”

By:– Khadar Maxamed Xaashi (Khadarhoryaal)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here