Xukuumadda Somaliland Oo RIYO Ku Tilmaantay Shir Ay Madax-dhaqameed & Odayaal Taageersan WADDANI Kaga Dhawaaqeen Ceerigaabo

0
1517
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay Hadallo ka soo yeedhay Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed iyo Waxgarad reer Sanaag ah, kuwaasi oo horraantii Toddobaadkii tagay sheegay in aanay la shaqeyn doonin Xukuumadda uu soo dhisayo Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Madax-dhaqameedka iyo Odayaashan oo Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay inay ka mid yihiin Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dooday in Doorashadii Madaxooyada ee Dalka ka dhacday 13-kii November, 2017-ku aanay si sax ah u dhicin, sidaasi awgeed aanay diyaar u ahayn inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub, sidoo kalena ay qabanayaan Shir ay sheegeen inay aayahooda kaga tashanayaan.

Laakiin, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo daba socda hadallada ka soo yeedhay Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha reer Sanaag wuxuu yidhi  “Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland doorasho ayaa ka qabsoontay 13-kii bishan November, 2017-ka, Komiishanka Qarankuna waxay ku dhawaaqeen inuu Doorashadaa ku guulaystay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na uu yahay Muuse Biixi Cabdi.”

Wasiiru-Dawluhu waxa kale oo uu sheegay “Sidaasi darteed Cid kasta oo isku dayda Cid kasta oo isku dayda wax ka dhan ah Qarannimada Somaliland inay abaabusho ama ku tiraabto laga bilaabo kuwaa aad sheegtay ee hadlay ee yidhi Taageerayaashii WADDANI baanu nahay oo Shir baanu qabanaynaa, wax ka soconaya iyo wax ka jiraa ma jiraan iyo wax Xukuumad ahaan la aqbali karo maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taageerayaashii Xisbiga WADDANI, taageerayaashii KULMIYE iyo Taageerayaashii UCID-ba waxa Maanta Madaxweyne u ah Muuse Biixi. Olole Doorasho ayaynu galnay, waxa ka dambeeya oo la aqbalayo ma jirto ama ha ahaado Nin yidhaahda Hebel taageerihiisii baan ahay oo meel baan Shir ku qabanayaa oo wax gaar ah ayaan ka tashanayaa, waxaan leeyahay Ninkaasi wuu Riyooday, nin kasta oo Madax-dhaqameed ah waxa xil ka saaran yahay inuu Samaha Ummaddiisa ka shaqeeyo, Ninka doonaya inuu xumaan Qarankan ugu taliyo oo uu Dadka jaho-wareeriyana Tallaabo adag baa laga qaadayaa.”

HargeisaPress News Desk

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here