Xukuumadda Somaliland Oo Qal-Qaalinaysa Mudaharaado Ka Dhan Ah Waftiga Beesha Caalamka Ee Iman Doonta Dalka

0
867

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland oo uu horboodayo wasiirkeeda arrimaha gudaha Cali Warancade iyo madaxda xisbul-xaakimka Kulmiye ayaa qalqaalinaya in mudaharaado lagala hortago waftiga beesha caalamku usoo dirayso Somaliland 20-ka bishan.

Sida ilo arrimahaas xogogaal  u ahi Haatuf uga warameen xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye  ayaa mudaharaadadan ku beegaya markay diyaarada sida xubnaha waftigaasi soo cago-dhigato madaarka Igal International Airport, waxaanay qorshaynayaan in mudaharaadadaasi ay socdaan ilaa magaaladda Hargeysa dhexdeeda, iyadoo lagu balamiyey inay ku dhawaaqaan hal ku dhigyo ay ka mid yihiin ‘’gaalo dooni-mayno, faro-galin shisheeye dooni mayno’’ iyo ‘’Yaahuu yaahuu baanu idin-nidhi ee naga noqda’’.

Sida la ogsoonyahay xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ayaa ku gacan-saydhay dalabyadii is-daba-jooga ahaa ee kaga imanayey beesha caalamka in la tixgaliyo mudadii halka sano ahayd ee Komishanka Qaranku u qoondeeyey in lagu qabto doorashooyinka madaxwaynaha iyo wakiiladda 1 June 2016-ka.

Waftiga beesha caalamka oo dabayaaqadii todobaadkii hore ka amba-baxay Hargeysa ka dib markii ay wada-hadalo la yeesheen dhinacyada siyaasadda ee isku haya muddo kordhinta 22-ka bilood ah ayaa la filayaa inay kusoo laabtaan dalka si ay uga qayb-qaataan xal u helida muranka ka taagan arrinta mudo-kordhinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here