Xukuumadda Somaliland Oo la Filayo Inay Maanta Ka Hadasho Sababaha Loo Joojiyey Xuska Sanadkan Ee 18-May

0
1013
Aqalka Madaxtooyadda Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in maanta la filayo in madaxtooyada Somaliland ay ka hadasho xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkan wararku sheegayaan in xukuumadda Somaliland joojisay.

Ilo ka agdhaw madaxtooyada Somaliland ayaa Ramaasnews u sheegay in xalay wasiiradda Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ay shir ku yeesheen madaxtooyada isla markaana ay kaga wada tashanayeen Xuskan 18-May ee sanadkan.

Waxaana la filayaa in maanta ay madaxtooyada Somaliland ka hadasho natiijada kasoo baxday kulankooda iyo sababaha ay xukuumadda Somaliland sanadkan u joojisay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-may oo sanadkiiba hal mar si wayn looga xuso Somaliland iyo waliba waxa ay ku badaleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here