Xukuumadda Somaliland oo ku Bogaadisay Qurbajoogga siday u Muuneeyeen Xuska 18ka May

0
715

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda Qurbajoogga  ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa bogaadisay  dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee u debbaal degay Xuska Sannadguurada 28aad  JSL 18 May ee  2019.

Hay’adda Qurbajooggu waxay sheegtay in Munaasibadda 18ka May laga xusay  UK, Germany, Finland, Sweden, Norway, Denmark, Belgium, Holland, France, Italy, Ireland, Canada, USA, Djibouti, Kenya, South Africa, Imaaraadka, Kuwait, iyo Australia.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Xasan Axmed Yuusuf, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay   caddeeyeen  in 38 Magaalo oo ku kala yaalla 28 dal laga xusi doono 28 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo waxa Wasaaradda Arrimaha dibaddu ay dhaqaale ku taageertay xafladaha ay ardayda Jaamacadaha wax ka bartaa ay ku qabanayaan dalalka Suudaan, Itoobiya, Malaysia, Hindiya iyo Uganda

 

LEAVE A REPLY