Xukuumadda Somaliland oo Kordhinaysa Saamigeeda Dhaqaalaha Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose

0
1195

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay shalay wefti ballaadhan oo ka socday Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qarammada Midoobay, ahna Isu-duwaha Arrimha Gargaarka Bani’aadanimada, una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.

Kulankaasi gaarka ah waxa lagaga wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa mashruuca maamul-daadejinta dawladaha hoose ee JPLG, diiradana loogu saari lahaa diyaarinta qorshaha shanta sanno ee soo socda oo ay kow ka tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Somaliland.

Waxa ay labada dhinac ka wadahadleen sidii sare loogu qaadi lahaa lacagta ku baxaysa mashruuca maamul-daadejinta, waxayna dawladda Somaliland dhinaceeda caddaysay inay kordhinayso saamiga kaga soo hagaagay dhaqaalaha ku baxaya mashruucan, isla markaana ay gaadhsiin doonto ilaa 21%, halka ay hadda ka bixiso saami dhan 17%.

Waxa kaloo laga wadahadlay sidii qorshaha shanta sanno loogu fulin lahaa mashruucan saddex iyo labaatanka (23) degmo doorasho ee dalka Somaliland, iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono gobollada bariga Somaliland.

Ugu dambayn, kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo heli lahaa kaalmadii ku aadanayd barmaamijkaasi Maamul-daadejinta Dawlahada hoose ee JPLG, waxaannu Ku-xigeenka Ergayga Qarammada Midoobay ballanqaaday inay dhinacooda dedaal muuqda ka geysanayaan mashruuca maamul-daadejinta Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here