Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Wasiir Ka Socda Soomaaliya Oo Yimi Badhan

0
984
SL’s Foreign Minister, Dr. Sa’ad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa xad gudub ku tilmaamay wasiir ka tirsan dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo shalay booqasho ku yimi magaaladda Badhan ee gobolka Sanaag.

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Soomaaliya ku xadgudubtay xadka Somaliland,isla markaana ay taasi dhalin karto iska hor imaad aan dan u ahayn dadka deegaanka.

“Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidannahay Soomaliya iyo Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub arrinkaasina wuxuu khal-khal galinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaka iyo Soomaaliya waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad taasi oo aan dan u ahayn dadka deegaanka iyo gobolka toona”ayuu yidhi Sacad Cali Shire oo sheegay inuu aad uga xun yahay in wasiir ka tirsan Soomaaliya uu usoo talaabo xadka Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here