Xukuumadda Somaliland oo ka gubatay dhalliilo uu u jeediyaay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

0
809
Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu tilmaamay inuu si xaqiiqda ka fog uga hadlay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiillada.

Sidaasna waxa Wasiirku ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray oo u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo  Isniintii shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si xaqiiqada ka fog uga hadlay duruufaha keenay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiillada oo lagu waday inay  Somaliland ka qabsoonto 29ka Bisha March ee sannadkan.

Guddoomiyaha WADDANI oo muddo 12 sannadood ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, marna uma uu   hagar bixin  diyaarinta Xeerkii lagu soo dooran lahaa Aqalka Wakiillada,waxaanu dhawr jeer oo la isku dayey diyaarintiisa uu horseed ka ahaa dadkii soo maleegay  caqabado lagu hor-istaagayey  meelmarinta Xeerkaas muhiimadda weyn u leh dimuqraadiyadda dalka iyo doorashada muddo dhaafka ah 14ka sannadood. Sidaas darteed, Cabdiraxmaan Cirro markii uu kursiga fadhiyey umay muuqan muhiimadda ay leedahay qabashada doorashada iyo sameynta Xeerarkeedu, isagaana sabab u ahaa dib-u-dhaca doorashada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha WADDANI wuxuu  halqabsi uu doorashada kaga galgalanayo ka  dhigtay “in la kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka” oo ah Hay’ad dastuuri ah oo leh muddo xileed cayiman oo shan sannadood ah, waxa u furan inuu beddelo xubinta ugu jirta Guddida Doorashooyinka isagoo u maraya sifo sharci ah, haddii kale oo uu wadar ahaan   cabasho sharci ah  iyo dambiyo u hayo Komishanka, waxaa u  bannaan inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda sare ee dastuuriga ah, wixii aan intaas ahayni waa marmarsiiyo dhalanteed ah oo uu cimri dherer ka dhiganayo Xisbiga WADDANI.

Geesta kalena, Guddoomiye Cirro waxa uu ka been sheegay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu  xusay inay diidan tahay heshiiskii nabadeed ee Xukuumaddii hore ee KULMIYE la gashay Cali Khaliif Galaydh,iyadoo aanay jirin meel madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisuba ay ku diideen heshiiskii lala galay Cali Khaliif, haddii uu isagu jecel yahay inay xukuumaddu diido, waa riyo maalmeed  isaga  u taalla, balse dawladda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqeyso  oo ay dhegaysato muwaadin kasta oo tabasho qaba oo si maangal ah u soo  fadhiista miiska wadahadalka. Xukuumadda hadda talada haysaana waxay ka soo jeeddaa KULMIYE, nin weyna looga roon inuu fagaare la yimaado war aan xaqiiq ahayn, wadahadalkanina wuu soconayaa, laakiin isagu xaq uma laha in maalin walba la yidhaahdo halkaas ayey wax noo marayaan.

Waxa kaloo aan ku wargelinaynaa Guddoomiye Cirro in dedaalkii wadahadalka lala galay Cali Khaliif Galaydh uu ahaa mid Xukuumadii hore ee KULMIYE ay bilowday oo aanay oolin sabab lagu daadifeyn karaa.

Waxaan shacbiga la socodsiinaynaa in Somaliland dhaqan u leedahay inay khilaafaadka ka dhasha arrimaha doorashooyinka kaga baxdo wadajir iyo isku tanaasul, isla markaana imikana lagu furdaamin doono dhaqankaas soo jireenka ah ee isqancinta ku dhisan.”

 

 

LEAVE A REPLY