Xukuumadda Somaliland Oo Deeq Mucaawimo Ah Ka Gudoontay Dawlada Djibouti Iyo Cidda Loogu Talo Galay Deeqdan + SAWIRRO

0
1081

Hargeysa,(HargeisaPress) — Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland  11-gaadhi oo ah nooca loo yaqaano UD-ga, kuwaasi oo siday raashin ay dawlada Jabuuti ugu deeqday dadka ay abaaruhu saamayeen ee reer Somaliland isla markaana ku dhaqan deegaanada abaartu ka jirto.

Gaadiidkan raashinka deeqda ah siday oo lagu xareeyay xaydaabka Kastanka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa  masuuliyiintii raashinkan waday oo uu hogaaminayay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland kala wareegay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii madasha ka Hadley ay siweyn ugu mahad-celiyeen madaxda dalka Jabuuti ee deeqdani soo direy isla markaana u damqaday una diir naxay walaalahooda abaarta baahsani ku saamaysay deegaanada gobolada Somaliland.

Waxaana ay ku hanbalyeeyeen sida jaarnimada iyo dadnimada leh ee ay uga soo qayb qaateen, taakuleynta dadka abaaruhu saameeyeen ee ku kala sugan gobolada Somaliland .

Gaadiidkan oo siday raashinka noocyadiisa kala duwan sida,Bariis, Baasto, Timir, Daqiiq iyo Caano, sonkor iyo boorash ayaa la filayaa in maalmaha soo socda loo kala diro deegaanada gobolada bariga Somaliland ee ay ka jirto abaarta baahsan ee saamaysay dad iyo duunyaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here