Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay Mawqifkeeda Muddo-kordhin loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo

0
891

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadda KULMIYE marka muddada shanta sanno ee la doortay dhammaato badhtanka sannadka 2015.

Xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, ayaa muddooyinkii u dambeeyey soo saaray baaqyo ay ku muujiyeen inay ka soo horjeedaan, isla markaana aanay aqbali doonin wax muddo-kordhin ah oo loo sameeyo Madaxweynaha, iyagoo ku eedeeyey xukuumadda in aanay diyaar u ahayn in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto xilliga loo qoondeeyey oo ku beegan 26 June 2015.

Hase ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo saxaafadda u warramay shalay, waxa uu sheegay in xukuumad ahaan mawqifkoodu yahay in aanay muddo-kordhintu fiicnayn, kuna xidhnayn rabitaanka madaxweynaha, balse ay tahay mid u taal hay’adaha dastuuriga ah ee arrimaha doorashooyinka qaabilsan.

“Madaxweynuhu muddo-kordhin samaysan maayo. Aad baan uga xumahay, waxaan leeyahay muddo-kordhintu ma fiicna. Muddo-kordhintu kuma xidhna madaxweynaha rabitaankiisa iyo rabitaan la’aantiisa midna, waana arrin u taal golayaasha sharciga ah ee awooddaas iyo masuuliyadahaas leh. Waa arrin u taal Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee shaqadaas leh. Waa arrin u taal hay’adaha ka shaqeeya iyo kuwa xil-gudashadaas leh, laakiin maaha mid uu dalbado, mid loo dalbo iyo mid uu diido toona. Golayaasha sharci-dejinta, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah masuulkii ugu sarreeyey oo Guddoomiyaha Guurtida oo qudha ka madax taagan yahay, waxaannu ugu celinaynaa inuu naftiisa baro in muddadu dhammaan karto oo aannu madaxweyne waqtigiisi hadhay aanay ku eedayn wax aan laba gaadhin, iyadoo la gala xishoonayo waxa uu isagu sameeyey,” ayuu yidhi Cukuse.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inuu muddo-kordhin shan sanno ah ku fadhiyo kursiga, sidaa darteedna aanay u habboonayn in xisbigiisu muddo-korodhsi ku canaanto madaxweynaha Somaliland.

“Qolada axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo uu hoggaamiyo masuulka 4aad ee qarankeenna Somaliland, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aannu ixtiraam weyn u haynno, waxaannu doonaynnaa inaannu uga jawaabno, annagoo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ixtiraam ugu hayna, annagoo ixtiraam ugu haynna guddoomiyaha mucaaridka ee xisbiga WADDANI ee uu yahay, waxaannu leenahay sheekada soo noqnoqotay ee xisbigaaga aad ku celcelisaan ee ah in dawladdu amma xukuumaddu doonayso in muddo-kordhin loo sameeyo madaxweynaha, aad baan uga xumahay in aynnu illowno maaha taariikhdeenna dhaw iyo ta fog.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxa xilka uu hayo loo doortay sannadkii 2005-kii, waxaanay kaga ekayd 2010-kii, maantana waxaynnu joognaa 2014-kii, waxana muuqata muddadii dadku doortay muddo le’eg oo saayid ah amma dheeraad ah oo mar walba loo kordhinayey inuu ku fadhiyo, madaxweynaheenna la doortay ee kursiga fadhiyana waxaad ogtihiin in muddadii la doortay waliba sannad u hadhsan yahay, markaasaa kii 5-ta sanno ee dheeraadka ah ku darsaday, waxa uu madaxweynaheena sannadku u hadhay uu ku eeddaynaya inuu muddo kordhisan doono oo uu dhegaha dadka ka badiyey oo ku-xigeennadiisu ku celiyeen in aan doorashadu waqtigeeda dhaafin,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Wargeyska Jamhuuriya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here