Xukuumadda Somaliland oo Bilawday Xog-ururin Lagu Ogaanayo Xaaladaha Xoolaha iyo Saamaynta Abaaraha

0
881
Wasiirka Wasaaradda xanaannada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland, ayaa bilawday xog-ururin iyo cilmi-baadhis la doonayo in lagu ogaado xaaladda Xoolaha nool ee dalka iyo heerka xaddiga roobka da’aya si looga war helo saamaynta ka dhalata abaar timaada.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in ay sameeyeen xarun cilmi-baadhiseed oo ka shaqanaysa xog-ururin ku saabsan xaaladaha xoolaha nool ee dalka iyo arrimaha abaaraha soo noqnoqday ee saamaynta ku yeeshay.

“Waxaannu samaynay xarun dhexe oo cilmi-baadhiseed oo aannu dhakhaatiir da’doodu yaryartahay aannu u magacownay Axaddii toddobaadkan, waxaannu doonaynaa in aannu helno xogta neefka xoolaha ah iyo xogta abaarta iyo saamaynta ay innagu leedahay iyo weliba xogta roobka Dayrta iyo Karanta xilligani ay inna tari karto,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ka hadlayey kulan wasaaraddiisu ku ambabixinaysay kooxo dhakhaatiir ah oo olole lagu tallaalayo xoolaha ugu baxay gobollada dalka shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray “Waxa la idiin dhiibi doonaa haddaad dhakhaatiirta tihiin laba diiwaan (Form) oo kala ah; mid gunno la idinku siinayo oo aad ku soo qori doontaan xannuunada xoolaha ee aad la kulantaan iyo mid aad si mutadawacnimo ah waddankaaga ugu soo shaqayn doontaan oo aad ku soo qori doontaan xogta dhabta ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu u baahnayd ayaad adigoo dhakhtarkii ah u soo ururinaysaa, isku mar baanad soo diraysaa labadaa xogood, qof walibana xogtaa iyo waddankiisa ayuun buu wasaaraddana abaalkeeda ka heli doonaa.”

Md. Cukuse waxa uu faahfaahiyey ujeeddada laga leeyahay ololahan cusub iyo sida loo fulin doono muddada uu soconayo, waxaannu yidhi, “Waa markii labaad ee aannu samayno olole caafimaadinta xoolaha loogu baxayo dalka gudihiisa oo dhan, waxaanna halkan ka bixi doona 205 qof oo isugu jira dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo darawalo ka kooban 35 kooxood oo wata 40 baabuur oo muddo lixdan maalmood ah ka soo shaqayn doona dalka oo dhan, waxaannay u baxayaan tallaalka xannaanka Susunka Adhiga iyo Furuqa Adhiga, waxaanna la talaali doonaa saddex milyan oo neef oo uu neef walba laba jeer la talaali doono, waxa la dawayn doonaa xoolaha nool ee jooga dalka gudihiisa oo dhan ee xannuun tirsanaya, si gaar ah waxa isha loogu hayaa hal milyan iyo shan boqol oo neef in si toos ah loo daweeyo. Mashruucan sida caadiga ah waxa gacan dhaqaale innaga siinaya hay’adda FOA oo ah hay’ad ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo neefkeenna xoolaha ahiba ay ku tiirsanyihiin, aad baanuna ugu mahadnaqaynaa.”

LEAVE A REPLY