Xukuumadda Somaliland oo Amar kasoo Saartay Joojinta Xayisiiska Goobaha Caafimaadka

0
1068

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed [Xaglo-Toosiye] ayaa amar ka soo Saaray in aan Warbaahinta laga sii deyn Xayeysiis Caafimaad oo aan Rusqad ka haysan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xayeysiinta caafimaadku ay waxyeelo badan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena oo lacago badan lagaga furtay xayeysiis caafimaad oo ay sameeyeen dad aan ehel u ahayn caafimaadka.

“Joojinta xayeysiinta caafimaad ee ka baxa telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda in la joojiyo haddii aanu xayeysiintaasi rusqad ka haysan wasaarada caafimaadka”ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland hore waxaa uu usoo saaray Digreetooyin uu ku mamnuucayo xayisiinta Dawooyinka laakiin Go’aankaasi waxaa uu noqday Mid aan Fulin iyadoo Warbaahinta Dawlada laga Xayisiiyo Farmasiiyada iyo dawooyinkaba.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here