Xukuumadda oo Qiimaynaysa Hanaanka Hay’adaha Qarammada Midoobay ula Shaqeeyaan Somaliland

0
828

Hargeysa, (HargeisaPress) –Fadhigii 24-aad ee Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta lagu lafo-guray hannaanka wada-shaqayneed ee hay’adaha qarammada midoobay (UN), kuwa caalamiga ah iyo xukuumadda Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA,  waxaanu goluhu warbixinta amniga ka dhegaystay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Kaahin Axmed.

Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here