Xukuumadda Oo Laga Codsaday Inay Siidayso Dad Boolisku Sababo Kala Gedisan U Xidheen 20-kii Maalmood Ee U Dambeeyay

0
746

Hargeysa , (HargeisaPress) —Xarunta Xuquuqal iinsaanka ee Magaceeda loo soo gaabiyo HRC oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadashay Xadhigga Dad toban ku dhow oo Sababo kala gedisan Ciidammada Booliiska Somaliland u xidheen.

Dadka Ciidammada Booliisku xidheen ayaa waxa u dambeeyay Agaasimaha Telefiishanka Universal ee Somaliland Maxamed Caabbi oo  Shalay Boolisku xidhay iyo weliba Qareen la sheegay in loo xidhay Su’aal uu waydiiyey Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland.

War-saxaafadeed uu Agaasimaha HRC Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) Arrimahan kaga hadlay oo soo gaadhay HargeisaPress, ayaa u qornaa sidan “Maxamed Caabbi Digaale oo ah Agaasimaha telefiishanka Universal xafiiskiisa Hargeysa ayaa Maanta (Shalay) Hargeysa lagu xidhay. Faah-faahin dawladdu weli kama bixin xadhigiisa. Waxaase xoguhu muujinayaan in loo xidhay hawlihiisa warbaahineed wax la xidhiidha, gaar ahaan war ka baxay telefiishanka bilawgii bishan.

Ma jirin wax amar qabasho ah oo ka soo baxay maxkamad oo lagu xidhay, sida uu sheegay Maxamuud Jaamac Cabdi, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)  Taas oo ka soo horjeedda dastuurka Somaliland. Sidoo kale dastuurku wuu mamnuucay in suxufi loo xidho shaqadiisa Warbaahineed. Waxaannu dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ka codsanaynaa inay sii dayso Maxamed Caabbi Digaale.

Dhinaca kale waxa jira dhawr qof oo kale oo u xidhan aragtidooda oo ay cabbireen. Dadkaas waxa ka mid ah Naciima Axmed Ibraahim oo la xidhay 27 January, Cabdicasiis Aadan Jalow oo la xidhay 6 February kadib markii uu shir-jaraaid qabtay iyo Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 7 February, iyada loo haysto la sheegay inuu ku qoray boggiisa Facebook-ga.

Qareen Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan ayaa la xidhay Maanta, 17 February (Shalay). Waxa isla Maanta (Shalay) la horgeeyey maxkamadda militariga. Sida uu sheegay xoghayaha guud ee Ururka Qareenada Somaliland, Cabdirisaaq waxa loo xidhay su’aal uu waydiiyay madaxa dab-damiska oo ka qayb galay barnaamijka qanci dadkaaga. Xubnin qoyskiisa ka tirsan oo la hadlay Xarunta HRC ayaa sheegay in Cabdirisaaq hore ugu shaqayn jiray dab-damiska.

Sida ku cad qodobka 104 ee Dastuurka Somaliland qof rayid ah lama gayn karo maxkamad militari.

Xaruntu waxay ku baaqaysaa in dhammaan dadkaas xorriyadooda loo soo celiyo oo la ixtiraamo xaq ay dadku u leeyihin inay hadlaan.”

Guuleed Axmed Jaamac

Agaasimaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here