Xukuumadda Oo Kenya Ku Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashi Ee Ka Jira Somaliland + SAWIRO

0
1226

Nairobi KENYA, (HargeisaPress) –Xukuumadda Somaliland ayaa shir ganacsi oo  caalami ah ku qabatay magaalada Nairobi ee  dalka  Kenya, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee jira  Somaliland.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyey xafiiska Wakiilka  Somaliland ee Kenya, waxa ka soo qaybgalay Wefti Wasiirro ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cawaale Ibraahim Shirwac.

Waxa kaloo ka soo qaybgalay Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo shirkado ganacsi oo laga leeyahay Somaliland iyo in ku dhow laba Boqol oo shirkadood oo reer Kenya ah.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar, oo ka hadlay shirkaas ayaa sheegay in shirkani uu ahmiyad u leeyahay in shirkadaha shisheeye ay ku baraarugaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka bannaan Somaliland,waxaanu u mahadceliyey shirkadihii reer Kenya ee ka soo ajiibay martiqaadkii ay u fidiyeen.

Wasiirrada ka socday xukuumadda Somaliland ayaa shirka ku soo bandhigay nabadgelyada iyo dowladnimada ka jirta dalka, taasi oo saamaxaysa in ganacsatada shisheeye ku soo hiran karaan inay maalgashadaan  JSL.

Waxa kaloo ay tafaasiil ka bixiyeen sida ay Somaliland u diyaarisay saaxadii ganacsatada waddaniga ah iyo kuwa shisheeyaba ku maalgashan lahaayeen Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here