Xukuumadda oo Eedayn Xeeladaysan u jeedisay Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbigiisa

0
942

Hargeysa,(HargeisaPress) — Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku eedeeyay Mudo dhaaf xileed iyo Mudo korodhsi uu sameeyay Gudoomiyaha Golaha wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Xukumaddu waxay sheegtay in iyadoo lagala xishoonayo kursiga Wakiilada ee Mudo dhaafka ah uu haddana Eedayn la daba taagan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa Gudoomiye Cirro iyo Xisbigiisaba Xasuusiyay in Mudo Kordhinta ay inta badan ku qayliyaan Madaxweynaha ayaa korodhsanaya Xilka, aanay ahayn mid haboon, horena Gudoomiyuhu u korodhsaday Xilka wakiilada.

“ Gudoomiyaha Golaha wakiilada Anagoo Ixtiraam u hayna, Anagoo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee uu yahay Ixtiraam ugu hayna, Anagoo Masuulka Afraad ee Qarankan inuu yahay Ixtiraam ugu hayna, waxaanu jecelahay inaanu uga jawaabno, Sheekadda soo noq-noqotay ee Xisbigiisa ee ah, In Xukumaddu doonayso Mudo kordhin loo sameeyo. Aadbaanu uga xunahay, Inaynu is-ilawno Maaha, Inaynu Is-ilawno oo taariikhdeena fog iyo Teena dhawba Ilowno maaha, Gudoomiyaha Wakiilada waxa xilka uu hayo loo doortay Sanadkii 2005-tii. Waxay kaga Eekayd 2010-kii,haddana waxaynu maraynaa 2014-kii. Waxa muuqata in mudadii umadu dooratay mudo leeg oo kale oo Marba loo kordhinayay uu ku fadhiyo. Madaxweynaheena xilka hayana waxaad Ogtihiin in mudadii la doortay waliba sanad u hadhsan yahay, Markaasaa Kii 5-ta sano ee dheeraadka ah ku darsaday Madaxweynaheena sanadku u hadhsan yahay ku Eedaynayaa inuu mudo kordhisan doono.” Ayuu wasiir Cukuse yidhi

Wasiir Cabdillaahi Cukuse oo sii hadlayay Waxa uu sheegay inaanay fiicnayn Mudo kordhintu, balse aanay ku xidhnayn Madaxweynaha iyo Damaciisa, isagoo Masuuliyadda Mudo kordhin Madaxweynaha loo sameeyo ku tiixay Guddida doorashooyinka.

“ Waxaanu leenahay Mudo kordhintu ma fiicna, kumana xidhna Madaxweynaha Rabitaankiisa iyo Rabitaan la’aantiisa, Waa Arin u taala Hay’addaha Sharciga ah ee Awoodaas iyo Masuuliyadahaas leh, waa Arin u taala Koomishanka Qaranka ee Hawshaasi haya, Waa Arin u taala Hay’addaha ka shaqeeya iyo kuwa xil gudashaadis leh. Laakiin maaha Mid Madaxweynuhu dalbada iyo mid loo diido midna maaha. Gudoomiyaha Wakiilada waxaanu ugu celinaynaa inuu Naftiisa baro in mudadu dhamaan karto oo aanu Madaxweyne Wakhtigiisii dhamaanin aanu ku Eedayn waxaan laba gaadhin, iyadoo lagala xishoonayo waxa uu isagu sameeyay.”

Hadalka Wasiirkan Xukumadda u hadlay ayaa u muuqda mid Xeeladaysan oo Xukumaddu iskaga jeedinayso Indhaha Xisbiga Waddani oo marar badan soo jeediyay in la diyaar gareeyo Doorashada Madaxtinimo ee 2015-ka si aanay u dhicin mudo kordhin la hadal hayay mudo.

Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa sidoo kale ka walaacsan habacsanaan ka muuqata Diyaar garowga Xukumadda ee Doorashada oo wakhtiga ka hadhay sanad ka yaryahay. Waxayna hore ugu doodeen inaanay aqbali doonin mudo kordhin.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here