Xukuumadda Hunguraysay Hoygii Madiga Ahaa Ee Akhriska Maxay Reebaysaa!

0
1030

Maktabadda Gaandi muddaday jirtay waxa ka aflaxay kumanaan aqoonyahan, waxa ka qalin jabiyay oo ku kabay aqoontooda boqolaal arday, waxay hoy u ahayd oo ka durduuran jiray cilmiga buugta taal bulsho tiro badan, waxa si joogto ah ugu xuidhnaa bahda akhriska jecel. maktabdii Gaandi maanta way xidhantahay waxaan lagu taagay quful, miyaanay garaad cay ahayn Maktabadda kumanaan qof ku xidhnaayeen in laga dhigo bakhaar nin leeyay. Keeba mudan in kumanaan arday wax ku akhristaan iyo in nin faa’ido dooni bakhaar ka dhigto Gaandi? Maktabaddo akhris kama jiraan dalkeena qaar gaar loo leeyahay iyo kuwo xukuumadda xaqa loogu leeyahay hirglisay toona, waxaan ahayn Gaandi iyo midhadh dhallinyaro is xilqaantay buuggag aan tiro badnayn dhigtay. Halkii aynu ka horumarin lahayn ee aynu si wada jira shacab iyo xukuumad ku dhisan lahayn maktabado badan, hadaynu xaraashno oo adduun siisano tii keli ahayd Miyaanay adhax jab ahayn? Miyaanay aqoon dabar jarid ahayn? Miyaanay dhiir gelin jahli ahayn? miyaanayn niyad jabin iyo nacid waxbarsho ahayn? Miyaanay dhiiri gelinta tahriib ahayn?

Ilayskii aqoonta iyo maktabadii akhriska ee ugu horaysay dalka haddi maanta la iibinayo oo la siisanayo shilimo jeeb cid gaara ku dhacaaya mustaqbal ummadeed oo la sugaaba ma jiro, Iyadoon xukuumaddu markii hore qorshe ka lahayn fidinta goobaha akhriska iyo maktabadaha ayay maantana xaraashaysaa aqalkii madiga ahaa ee dhallinyarada aqoon raadiska ahi kusoo hiran jireen, ayaan daranaa ma baloodh kalay cunaanabay ka waayeen magaalada inatay iibinayaan maktabatii madiga ahayd ee bulshada ka dhexaysay. Mise way dhameeyen goobihi danta guud ahaa iyo guriyhii shacaka ee lacagaha badan la siin jiray? Haa way dhameeyeen marhaday Gaandi marayaan maanta oo ay maankood kusoo dhacday in Maktabada nin bakhaar ka dhigto.

Iibika maktabada Gaandi waxay marag ma doon u tahay boobka hantida ummadda, musuqa iyo malafsiga xukuumadda siilaanyo, waxaanay soo ooday rajadii laga qabay in xukuumaddu hirgelin doonto maktabado dheeriya, kolhaday kii keli ahaaba cuntay maanta makabtad kale ka sugeedu maba yaal mesha. Bulshadu inay eegto oo ka aamusto maaha musuqa aan lala gabanayn ee lagu xaraashayo hantida ummadda waa in laga dhiidhiyaa oo laga gilgishaa hadaan laga kicina masjidka magaalada ugu weynaba la iibin doona oo aanay ka xishoonayn xukumaddena talada dalka maanta haysaa.

Maalmihii koobana ee maktabadu xidhnayd waxa kusoo hugoobay dhallinyaro badan oo ku xidhnayd maktabada buuggta yaala, lana saaxiib ahaa buuggata tirade badan ee maktabadu hodanka ku ahayd, hirgelinta akhriska iyo kobcinta maktabaduhu waa aasaska fidinta aqoonta,dalkasta wuxuu dunida kale kaga horumarsanyahay inta maktabadood ee bulshadu loo yagleelay iyo dhiiri gelinta akhriska iyo aqoonta bulshada.

Waxaan ugu baaqayaa mudaharaad salmiya dhamaan dhallinyaradii ku xidhnayd maktabada la iibinaayo iyo dhamaan bulshada jecel akhriska, wax la qaadan karo maaha waa garaad cay iyo yasid bulsho in maanta la iibiyo maktabadii ka dhaxaysay halka milyan iyo badhka degen caasimada, halkii degmo walba iyo xaafad walba laga dhisi lahaa maktabad buuggagta ay dhallinyaradu u baahantahayna lagu camiri lahaa.

Shaqaalaha ka shaqayn jiray maktabadda waxay ku shaqayn jireen mutadawacnimo iyo waddani nimo faa’ido doona looma furin maktabada waxa loo furay si loo kobciyo aqoonta iyo akhriska waxaana furay shakhsi abaal aan duugoobayn loo hayo iskiina isu xilqaamay, buuggagta yaalay maktabada dhamantood waxa jeebkiisa kuuso iibiyay Axmed Yuusuf Ismaaciil Gaandi caawimo xukuumadeed iyo mid haayadeed toona laguma camirin maktabada qiimaha badnayd, shakhsigaa hirgeliyay ee ka gilgishay magaalada inta leeg een lahayn maktabad akhris in la dhiiri geliyay ahayd ee maanta may ahayn in la iibiyo maktabadii madagi ahayd ee caasimada ka dhexaysay.
Maktabadu waxay soo martay duuro kala gedisan oo midkastaaba dareenkeeda iyo damqasheeda lahayd, hadana waa loo samray waana loo dhabar adaygay geesiyaal naftooda hurbaa waqtiooda qaaliga ah geliayay, amaan iyo abaalna way mudanyihiin.

Gaandi waxay ahayd maktabada aad u qiimo badan dhamaan waxa yaalay buuggata cilmig ah ee ay u baahnayihiin ardayda jaamacadaha, ardayda dugsiyada sare iyo dhamaan aqoon raadiska akhrisak jecel, waxay ahayd maktabada aan lacag lagu gelin waxaan ahayn waysada biyaha iyo dacayactirka maktabada, kharash wasaaradda kasoo geli jiarayna ma jirin waxay ahayd maktabada ku socota iska wax u qabso iyo is xilqaan waddaniyadu ku dheehantahay. Marhadii manta la xidhay madal akhris oo lagu hirtaana aanay jirin waa in lagu suntaa xukumadda hada dhiiri gelinta jahliga iyo akhriska. Xukuumaddi u horsay ee iibisa xarun akhris, xukuumad ka xishoonwayday boqolaal dhallinyaro oo u baahna in loo badiyo maktabadaha.

Sida hadda xaal yahay hadaan wax laga bedelin oo illaahay dalka hogaanka ugu dhiibin cid aayaha ummadda iyo mustabalaka dhawaraysa dal iyo dawladnimo midna inoo hagaagi mayso, mustqablkeenuna halka manta la taaganyahay dhaafi maayo.

LEAVE A REPLY