Xukuumadda, Axsaabta qaranka, Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Bulshada oo Isku Duubni Uga Hadlay Gardarrada Maamulka Muqdisho Ku Hayo Xuduudaha Somaliland

0
769

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kulan ballaadhan oo ay yeesheen  madaxda xukuumadda talada haysa, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo tiro kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii kala dambeeyey ee hore usoo maray Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag loogu lafo-guray sidii wada-jir iyo midnimo loogu waajihi lahaa gardarrada maamulka Muqdisho kusoo qaaday xuduudda bari ee dalka Somaliland, loona taageeri lahaa ciidamada qaranka ee jiidaha hore ku sugan.

Kulankan, ayaa waxa hoggaaminayey madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), waxana wehelinayey guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi dheere, guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI,  Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, madaxweyne ku-xigeennadii labaad iyo afraad ee Somaliland hore usoo maray, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa ay madaxdii madasha joogtay si isku mid ah uga jawaabeen gargarrada maamulka Muqdisho kusoo qaaday xuduudaha dalka, iyaga oo shacabkana ugu baaqay inay midnimo, wada-jir iyo taageero u muujiyaan ciidamada qalabka sida ee jiidaha dalka ku sugan.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada qaranka ee dhirbaaxada kulul ku dhuftay cadowga kusoo gardarrooday, isaga oo beesha caalamka xusuusiyey inaanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn inay ku lug yeelato dhiig daadanaya, isla markaana ay gebi ahaanba Somaliland midaysan tahay, waxana uu yidhi,  “Waxa  aanu halkan idiinka caddaynaynaa in qaranka Somaliland aanu ku kala qaybsanayn difaaca dalka, jiritaanka Somaliland iyo colaadda dadka walaalaha ku dhex martay deegaanka Ceel-afweyn , waxa kale oo aan  bogaadinaynaa ciidamada qaranka ee difaaca adag u ah qaranka Somaliland, caalamkana waxa aanu leenahay annagu ka Somaliland ahaan colaad diyaar uma nihin, muddadaas 27-ka sanadoo ahna Somaliland waxa ay kusoo noolayd, imikana waxa aanu adkaynaynaa inaanu mar walba nabadda diyaar u nahay, bisha soon ee barakaysanna inuu dhiig daato diyaar uma nihin.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCUD, Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal dhinacyo badan taabanaya jeediyey, ayaa  farta ku fiiqay inay Somaliland mucaarid iyo muxaafidba gacmaha is wada haysato, cadowgeedana midnimo ku waajahayso, waxana uu yidhi, “Waxa aynu halkan u joognaa inaynu u quus goyno dadka wax ma garatada ah ee mooday inay Somaliland kala maqan tahay oo ay dil-dillaacsan tahay, halkan waxanu ka tusaynaa inay Somaliland midaysan tahay, saddexdii xisbi way joogaan, dawladdiina way joogtaa, waxa aanu annagu ku kala qaybsannahay waa arrimo hoose, laakiin marka ay noqoto danta qaranka iyo difaaca qaranka waa lagu midaysan yahay, dadkii la yidhi waa lagu qaybsan yahayna been baa loo sheegay.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID, isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hubkii iyo saanaddii militeri ee ay dhawaan ka qaniimaysteen cadowgii soo weerarayna ku tilmaamay hadyad cusub oo ay heleen, “Waxa aan hambalyeynayaa geesiyaasha reer Somaliland ee sida wanaagsan u difaacay gardarradii lagu soo qaaday, dagaalkan socdaana ma aha mid ay reer Garoowe wadaane waa dagaal ay Soomaaliya waddaa, Isimada reer Garoowe-na waxa aan ugu baaqayaa nabadda ka taliya oo yaan la idin isticmaalin, Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Farmaajo iyo kooxdiisu hadyaddii ay noosoo direen ee Tignikada ahayd ee ay noogu soo talogaleen inaanu ku marno 15-kii May ee naga haabsaantay,” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire, ayaa isaguna si mug leh u sharraxay dhibaatada uu dagaalku leeyahay, waxana uu shaaca ka qaaday inay mar walba Somaliland diyaar u tahay inay ka jawaabto gardarro kasta oo cadowgeeda kaga timaadda,  waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland marnaba dagaal dooni mayso, Soomaaliya, somaliland iyo maamulka Puntland midna dagaal ku dhismi maayo, waxayse ku dhismayaan nabad, dhammaantoodna hawlo culus baa sugaya, hawlihii qaranka ee la qaban lahaana in lagaga jeesto dagaal aan natiijo lahayn oo ay mar walba soo qaadaan ma aha, Somaliland-na mar walba waxa ay diyaar u tahay inaanay dagaal qaadin oo ay is difaacdo.”

Guddoomiye Jirde, ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu bulshada caalamka xusuusiyey in bulshada gobolladu barigu mar walba diyaar u yihiin difaaca deegaannadooda, “Dagaalkani dagaal qabiil ma aha, Tuka-rag iyo xuduuddeenana waxa difaacaya dadkii deegaanka u dhashay, iyagaana u diyaar ah innaguna waynu ku taakulaynaynaa, reer Laascaanood, reer Taleex, reer Tuka-raq iyo reer Buuhoodle, ayaa u dagaallamaya,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdiqaadir Jirde.

Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa isaguna madaxweynaha oo isagu ah hoggaamiyaha qaranka ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saarayo inuu waxgaradka, siyaasiyiinta iyo mudanta bulshada ka talo galiyo arrimaha muhiimka ah, waxana uu caddeeyey inay Somaliland wada-jir ku qaabilayso gardarro kasta oo ku timaadda, isaga oo bulshada reer Somaliland-na baaq u diray, waxana uu yidhi,  “Mucaarid iyo muxaafid iyo xukuumadba waxanu ka midaysannahay difaaca qaran-nimada Somaliland, dadka reer Somaliland-na waxa aanu u sheegaynaa in looga baahan yahay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa qaran-nimadeenna, Somaliland-na nabad bay u joogtaa, diyaarna uma aha dhiig data, umadda reer Somaliland-na waxa ay arrintan kaga dudbi kartaa isku-tashi iyo  isku-tiirsanaan.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo madaxweyne-ku-xigeenkii Afraad ee Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna si isku mid ah bulshada ugu adkeeyey inay garab galaan ciidamada qaranka, isla markaana  u midoobaan daminta xaaladaha gudaha dalka kasoo cusboonaaday.

Sidoo kale madaxda iyo xubnaha hormoodka ah ee halkaas ka hadlay, ayaa ku baaqay in wada-jir iyo isku duubni lagu furdaamiyo xaaladda colaadeed ee ka dhex aloosan beelaha walalaha ah eeku dhaqan deegaanka Ceel-afweyn oo ay xukuumaddu daminteeda ku hawllan tahay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY