Xukuumada Somaliland Oo Si Adag Uga Digtay Sheegatashada Dawlada Somaliya ee Maamulka Hawada

0
1186

Hargeysa, (HargeisaPress) — Fadhigii Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo oo maanta uu shirgudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii Saylici ayaa lagaga dooday sidii mawqif cad looga istaagi lahaa sheega shooyinka muddooyinkii danbe ka sooo baxaayey Xukuumada Maqaar saarka ah ee Somaliya,waxana ay uga digeen in sheegato meelo ka mid ah oo dhulka iyo hawada Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afahayeenka aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu nuqul kamid ahi uu soo gaadhay Mareegta ramaasnews ayaa waxaa uu udhignaa sida tan:

Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka ay u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.

Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.

Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.

Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed  Saleebaan  Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here