Xukuumada Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Burburka Qoysaska Iyo Caruurta Darbi Jiifka Ah

0
1033

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay xidhiidhka ka dhaxeeya burburka qoysaska iyo caruurta darbi jiifka ah ee ku dayacan magaalooyinka somaliland.

Wasiirka shaqo gelinta iyo arimaha bulshada Marwo Hinda Jaama Xirsi oo la hadashay warbaahinta dawlada ayaa fariimo muhiim ah u dirtay wiilasha iyo gabdhaha dhalinyarada ah ee qoysaska samaysanaya.

Wasiir Hinda Jaamac Xirsi waxay si gaar ah carabka ugu dhufatay in burburka qoysaska oo tiro batay ay keentay inay kordhaan caruurta darbi jiifka ahi waxaanay tidhi “Inbadan ayay Somaliland jirtay intaa ay jirtayna qoysasna way  inoo dhismayeen waana innaga dumayeen waxaana xusid mudan carruurta innagu dhex dayacan ee derbi jiifka ah badankoodu waxay ka yimaadeen oo derbi jiifka ka dhigay waxaa qoys burburka waxaanan leeyahay wiilasha iyo hablahaba qoys sida loo dhisaa way fududahay laakiin waxaa culus sida uu u sii jiri karo markaa sal fudayd qoys lagu dhiso laguna dumiyaa waa waxa sababay in aynu yeelano carruur badan oo derbi jiif ah markaa waxaan gaar ahaan wiilasha odhan lahaa ku faro adayga qoyska ugu horreeya ee aad dhistaan inta aad mid labaad u hanqal taagaysaankii horena duminaysaan.”

Sidoo kale wasiir Hinda oo farriin u dirtay bulshada reer Somaliland gaar ahaan inta wax haysa ee gacantooda maal ku jiro,ayaa tidhi. “waxaynu ku gudo jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana maalmo tirsan o kooban markaa waxaa jira carruur badan oo derbi jiif ah  oo u baahan  in aynu uga farxino sida ubadka aynu guryaha inoo jooga ee aynu waalidka u nahay markaa carruurtaas oo aan lahayn cid daryeesha oo qaranka uga sokaysa waxaan leeyahay dadka ALLE wax siiyay walaalayaal carruurtaana aynu ciid siino oo  aynu ka farxinno sako iyo sadaqad labaduba way ku  baxayaan ee yaynaan illaawin in ubad derbi jiif ah oo ubadkeena la mid ah oo ALLE innagu eegayaa uu jiro oo u baahan in aynu u buuxino kaalintii waalidnimo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here