Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Xabsiga U Taxaabtey Xubin ka mida Madasha Wada Tashiga

0
911

iid jiciirXukuumada Madaxweyne Silaanyo ayaa maanta galinkii hore  xabsiga dhigtay Mujaahid Iid jiciir Aw Axmed oo ka mida Xubnaha ku Bahoobay Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland

Iid jiciir ayaa hada ku xidhan Saldhiga Dhexe ee magaalada Hargeysa,lamana garnayo ilaa haddda sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay mujaahid Iid Jiciir .

Haddaba goor dhawayd oo aanu khadka telefanka ku helnay Muj Iid Jiciir ayaa waxaa noo suurtagashay in aanu wax ka ogaano sababta loo soo xidhay iyo cidda soo xidhay waxaanu noo xaqiijiyay in ay soo xidheen ciidamada Militarigu isla markaana ay si toos ah ugu soo xidheen saldhigga dhexe ee uu haatan ku xidhanyahay .

Waxaa kale oo uu noo sheegay in aanu garanayn sababta loo xidhay iyo cidda soo eedeeysay toona .

Haddaba xadhiga mujaahidkan ayaa waxa lala xidhiidhinayaa warar dhawr ah oo uu muddooyinkii u danbeeyay ku dhaliilayay  xukuumadda iyadoo ta baddalkeedana ay xukuumaddu u nuglaatay eedeemihi mujaahidkan ka dibna xabsiga dhigtay .

Xukuumadda wali kamay hadal xadhiga mujaahid iid jiicir oo ku xidhan xabsiga dhexe ee hargaysa .

Mujaahid iid jiciir ayaa ka mid ahaa halgamayaashi u soo dagaalamay qarnnimada somaliland Ee SNM kana tirsanaa  siyaasiyinti ururkii xaqsoor isagoo ahaa Gudoomiyihii Ololaha Gobolada Bariga Somaliland Ee Uurkii Xaqsoor  haddAna ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee madasha wada tashiga iyo toosinta Somaliland .

Haddaba siyaasigan iid jiciir ayaa noqonayaa siyaasigii ugu horeeyay ee madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay xukuumaddu xabsiga u taxaabto .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here