Xukuumada Maanta Iyo Horumarka Dalka Ka Muuqda Midaan La Masuugi Karin.

0
946

maqaalXukuumada horumarka iyo waxqabadka dalka oo ah xukuumada uu maanta hogaamiyo madaxweyne siilaanyo  ayaa mudadii  dhawrka sano ahayd ay jirtay waxay qabatay oo dalka ka fulisay horumar balaadhan oo aan lagu soo koobi karan hadal iyo qoraal midna, waxaana waxqabadka xukuumadu uu gaadhay Somaliland degmo iyo gobolba ilaa tuulo.

Xukuumadu waxay dhistay islamarkaana casriyeysay Wasaaradihii dalka oo muuqaalkooda iyo bilicdooduba noqdeen kuwo soo jiitay indhaha dad badan oo wadani iyo ajaanib ah, Xukuumada  sanadba sanadka ka danbaysa  dhaqaalaheedu wuxuu noqonayaa mid cirka isku shareeray.

Xukuumada Kulmiye ayaa wax qabad aan indhaha laga qarsan Karin ka qabatay  dhanka wadooyinka gaar ahaan wasaarada Madaxtooyada oo ay hoos timaado Hay’adda wadooyinku ayaa kaalin misaan cullus leh ka geysatay dhismaha iyo dayac tirka Wadooyinka halbawlaha u ah Dalka , waxaana Wasaarada Madaxtooyadu oo uu hormuud u yahay Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali Xaaji Xasan dayactir balaadhan ku samaysay Wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera oo ahayd wado aad u xumayd cidkasta oo martaana karaahiyeysan jirtay islamarkaana uu ka dhici jiray shilalaka u badan, waxaana wadadaasi lasoo gaadhsiiyey gudaha caasimada iyadoo la hagaajiyey laamiga jidka wadnaha oo hormaran Madaxtooyada.

Wasaarada Madaxtooyadu waxay  xil iska saartay ka midha dhalinta balan qaadkii Dawlada oo ahaa inay dhisi doonto Wadada Ceerigaabo  ka dib keenista qalabka wadada waxaa xigay bilowga jidkaasi dheer oo ay ku dhiiratay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo isagoo ilaa hada si hamsami ah u socda, dadka reer Somaliland ayaa xukuumada madaxweyne siilaanyo ku amaanay fulinta balan qaadkaasi oo ay hore ugu fashilmeen dawladihii hore ee soo maray dalka, dhanka kale waxaa jira Wadooyin badan oo ay Xukuumadu shacabka ku dhiirigelisay inay bilaabaan islamarkaana dhistaan qeyb libaaxna ay ka qaadatay  sida wadada isku xidhi doonta Burco iyo Hargeysa ee dhanka Oodweyne, Wadada Dawga Cad, Wadada Baligubadle, Wadada.

Xukuumada ayaa xadhiga ka jartay kuna guulaysatay dhamaystirka Wadada Dilla iyo Boorama, dhamaystirka wada kala baydh iyo wajaale  oo labadooduba ay lahaayeen wajiyo dhawra, waxaana hada socda  mashruuca dhamaystirka wadada kala baydh iyo dilla, sidoo kale waxaa dhawr meelood ka socota Wadada Sanaag iyo Togdheer oo mustaqbalka dhamaan doonta.

Xukuumada sidoo kale waxay kor u qaaday Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha, waxaana jira mashaariic horumarineed kuwaas oo Wasaarada caafimaadku  ka hirgelisay Xarumo caafimaad degmooyinka iyo tuulooyinka Dalka, dhanka kalena waxaasarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa kor u qaaday tayada waxbarashada dalka, waxaana warbaahinta laga dheehtaa Dugsiyo waxbarasho oo laga dhiso degmooyinka iyo tuulooyinka si aqoonta iyo tayada tacliinta loo gaadhsiiyo dhulka miigaa.

Horumarka Xukuumada oo dhankasta ah waa mid ay u riyaaqeen bulshadu kuna soo dhaweeyeen islamarkaan ay doonayaan inay markale ku doortaan Madaxweyne siilaanyo si dalku usii gaadho horumar baaxad leh.

 

Yoonis Geele

yoonis667@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here