Xukuumad ka dhabaysay Ballan-qaadyadii ay Ummadda la gashay! W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

0
1125

Ummadda Jam.Somaliland waxay si weyn uga dheregsan yihiin duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ku bilowday markay talada dalka qabatay taasoo laga dhaxlay  xukuumaddii ka horraysay ee talada dalka haysay muddo 7 sano ka badan. Waxay ahayd dhacdo xanuun badan oo la wada ogyahay in Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay dhaxashay Dal kacay, Bangi Dhexe oo haawanaya oo la faaruqiyey, shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka oo aan dhawr bilood wax-mushahar ah qaadan. Xukuumaddani waxay dhaxashay deyn iyo amaah baaxad leh taasoo ay gashay xukuumaddii talada wareejisay intii u dhaxaysay bilihii January illaa July 2010.

Xukuumadda Kulmiye markii ay talada dalka la wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (mid u codeeyey iyo mid aan u codaynba) u ballanqaadday inay noqon doonaan xukuumad ay dadku leeyihiin, xukuumad danta guud u adeegta balse iyadu aan ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaaday inay soo celin doonaan magacii iyo milgihii dawladnimo ee Qaranka JSL. Xukuumadda Kulmiye waxa kale oo ay ballan-qaadeen in intii itaalkeeda iyo awoodeeda ah ay hirgelin doonto kana rumayn doonto Hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shicib weynaha Jam.Somaliland kaasoo ah inay noqdaan qaran xor ah oo madax-bannaan, kana mid ah bulshada caalamka oo ku leh codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba.

 Shan Sano ka bacdi: Himilo Toosan iyo Hiigsi Dhab ah

Shan Sano ka bacdi, hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Ahmed Silaanyo waxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Dhinaca kale, waa dhacdo dabiici ah in Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo  uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee markaa taagan. Sidoo kale waxaa jiri kara xoogag, kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti iyo himilo u gaar ah oo ka duwan ta xukuumadda waqtigaa talada haysa, kuwaasoo mar walba u tafa-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo xukuumadda qaado u tarjuntaan si qaldan, sidaa qaldan oo ay u arkaan inay dantooda gaarka ahi ku jirto.

Haddaba Shan Sano ka bacdi, Shacbiga JSL ayaa gar-soore ka ah wax-qabadka baaxadda leh ee ay xukuumaddani soo bandhigtay muddadaa shanta sano ah ee ay talada dalka haysay; waana wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waa xukuumadii wax-qabadka, waana xukuumad ka turjumaysa wixii loo doortay isla markaana ka dhabaysay ballan-qaadyadii ay ummadda la gashay!! Xukuumaddani, muddadaa ay xilka haysay waxay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin. Indhihii caafimaad qaba iyo qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waa xukuumadii Bessha Caalamka si cad u tustay in Shacabka Jam. Somaliland ay iyagu isu tashan karaan isla markaana ay ka maarmi karaan gacan-hoorsi iyo kaalmo shisheeye. Runtii waxa la odhan karaa xukuumadani waa xukuumadii rajada iyo himilada ummada.

Xukuumaddani waxay ku suntan-tahay Xukuumaddii:

(100%) kordhisay Mushaharka Shaqaalaha Dawladda oo dhan.

  1. Kobcisay (SHAN-jibbaar) Dakhliga Dalka ($47 Milyan—$251Milyan).
  2. Suurto gelisay Bixinta Darajada Ciidamada iyo Daryeelkoodaba.
  3. Suurto gelisay Waxbarashada Bilaashka ah.
  4. Kor u qaaday ee tayaysay adeegyada Caafimaadka.
  5. Kor u qaaday Siyaasadda Arr. Dibedda iyo xidhiidhka Beesha Caalamka.
  6. Abuurtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
  7. Daah-furtay, Dunidana ku baraarujisay Khayraadka-Dabiicaga ah ee JSL.
  8. Dhiirri-gelisay Maal-gashiga iyo aaminaada beesha caalamka.
  9. Suurto gelisey Furashada Ururrada Siyaasadda.
  10. Dhallinyarada siisay Fursadaha ay kaga qaybgaleen maamulka dalka.
  11. Haweenka siisay Fursadaha ay kaga qaybgaleen maamulka dalka.
  12. Suurto gelisay Dhismaha Waddooyinka iyo Madaarrada Dalka.
  13. Suurto gelisay Dhismaha iyo dayac-tirka Xarumaha Haya’adaha Qaranka.
  14. Ka dhabaysay lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga.
  15. Ku guulaysatay Sugidda Xuduudaha Dalka JSL.
  16. Dhiirri-gelisay nabada iyo wada-noolaanshaha Gobolka Sool.
  17. La timid Daryeelka iyo Xannaanaynta Danyarta iyo Agoomaha.
  18. Xukuumadii Beesha Caalamka si cad u tustay inaynu wax qabsan karno.
  19. Soo jiidatay Gobollo aan hore ugu codayn jirin Xisb. KULMIYE.

Gaba-gabo:

Hawl-wadeennada Xukuumadda waxaa la gudboon inay ku dhiirradaan oo ay si cad oo karti leh u difaacaan wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid Xukuumadda ay ka tirsan yihiin. Waxa lagama maarmaan ah in Hawl-wadeennada Xukuumaddu ay Shacbiga Jam.Somaliland fahamsiiyaan in Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato dhan kasta oo ay tahayba, ayna cidina gaar u lahayn oo aan cidna laga xigin lagana sheegan karin! Guusha Xukuumaddu waa guusha Shacabka. Marka ay Xukuumaddu guulaysato macnaheedu waxa weeye Ummadda Jam.Somaliland oo dhan ayaa Guulaystay.

Dhinaca kale, shacbigu waxay xaq u leeyihiin inay Xukuumadda la xisaabtamaan oo ay ku dhalliilaan wixii khalad maamul ah, gaabis ama hagrasho ah ee ay Xukuumaddu gasho. Xukuumadda waxa ku waajib ah Shacbiguna ay xaq ugu leeyihiin inay saxdo dhalliilaha iyo qaladaadka maamul ee loo soo jeediyo. Marka ay Xukuumaddu ka garowdo isla markaana ay wax ka qabato tabashooyinka ka soo yeedhaya bulshada, waxaan u arkaa inay tahay astaan xilkasnimo iyo sifo muujinaysa masuulnimada Xukuumadda ee maaha calaamad muujinaysa jileeca maamul ama kalsooni darro ka muuqata Xukuumadda.

 

 

ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,

Jam.Somaliland: Guul, Horumar iyo Ictiraaf Caalami ah

 W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Jam. Somaliland|

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here