Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay U Jeedada Socdaalka Ku Xigeenka La-laliyaha Amniga Ingiriisku Hargeysa Ku Yimid

0
957

XUKUMADA IYO LAHargeysa,(HargeisaPress) — Xukumadda Somaliland, ayaa markii u horaysay ka hadashay U jeedada La –taliye ku xigeenka Amniga Ingiriiska oo Socdaal ku yimid Hargeysa islamarkaana habeenkii Arbacada Hargeysa u hoyday, shalayna Madaxweyne Siilaanyo kulan la yeeshay, soona kormeeray Xarumo amaanka khuseeya.

Wasiirka Arimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in Socdaalka La-taliye Mr. Julian Miller uu la xidhiidhay Amaanka iyo sii xoojinta cilaaqaadka labada dal. Waxa uu sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen arimo amaanka ku saabsan islamarkaana ay soo wada kormeereen Xarunta Ciidanka RRU-da.

“Waxa uu arkay Xasiloonida iyo amaanka ka jira Somaliland.meelo badan ayuu maray, aad baanu u dareemay in Somaliland tahay Meel Xasiloon, isagoo masuuliyiinta qaranka ku amaanay arintaasi iyo hawlaha nabadgalyada qaranka lagu horumarinayo. cid walbana way ogtahay in Somaliland nabad galyadeedu fiican tahay, layskuna halayn karo”ayuu yidhi Wasiir Biixi

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, oo la waydiiyay in Socdaalka La-taliye xigeenka Amniga Qaranka Ingiriisku la xidhiidho dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee ka jira Degaano ka mid ah Bariga Somaliland waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska iyo cid walba oo nala soo xidhiidhaaba waxay noo sheegaan in wada hadal iyo hanaan nabad galyo lagu xaliyo dhibaatada jirta laakiin, haddana waxay Somaliland mar walba ku dheggan tahay, rumaysan tahayna in wixii tabashooyin ah ee jira Miiska wada hadalka lagu dhameeyo, balse aanay ogolaanayn in maamul laga dhiso gudaha xuduudka Somaliland”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY