Xukumada Maanta Jirtaa Waxa Ayla Mid Tahay Waraabihii Yidhi Ila Meeraysta… By: Mohamed Ali Mataan

0
1194

Xukumada Kulmiye ee maanta jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa waxa ay maraysaa waraabihii yidhi Ila Meeraysta.

Waraabe ayaa meel uu deganaa waxaa Afarta jiho Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur ka xigay reero Waraabihii ayaa gaboobay oo waynaaday maalintii danbena waxaa la soo dersay xanuun markuu xanuunkii ku batay ee sakaraad marayo ayey u yimaadeen Carruurtiisii waxayna go’aansadeen in ay qaadeen markii ay qaadeen ee ay la dhaqaaqeen ayuu Waraabihii diiday oo uu yidhi:-

Halkaa ha imarinina Reerkaa ayaan Xoolo ka cunay way la so noqdeen oo jiho kale ayey ula kaceen hadana jihadii kale ayuu diiday Waraabihii oo waxa uu yidhi reerka halkaa yaala ayaan xoolo ka cunay ilaa uu Afartii jaho dhamaantood uu sheegay in uu xoolo ka wada cuney caruurtii oo yaaban oo garan la’ meel ay la maraan ayey Waraabihii waynaa ee Aabahood ahaa ayey waydiiyeen halkeen ku marinaa?….

 

 

Mohamed Ali Mataan 

Hargeysa, Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here