Xogyihii hore ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Hambalyeeyay Orodyahanka Mo Farah

0
1977
Xogyihii hore ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland oo ay saaxiib dhaw yihiin Orodyahanka Sir Maxamed Faarax PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xogyihii hore ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi ayaa si weyn ugu diirsaday guulaha is daba jooga ah ee xidiga weyn ee reer Somaliland isla markaana haysta jinsiyada Ingiriiska Sir Mo Farah uu ka soo hooyay tartanka 2017 World Championships ee lagu qabtay garoonka London..Kaasi oo xalay ku guulaystay tartanka orodka 10.000m.

Xogyihii hore ee Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xadi oo dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiray u diray Orodyahanka caanka ah ee reer Britain, Mo Faarax oo uu ku sifeeyay tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

History maker | Mo Farah wins the 10,000m in London Getty Images

“Waxaan  Hambalyo iyo Taageero iskugu jira u dirayaa Orodyahanka caalamiga ah ee reer Somaliland Mo Farah isla markaana haysta jinsiyada Britishka, kaasi oo ku guulaystay 10,000m Tartanka World Athletics Championships ee Ciyaaraha Fudud ee Adduunka ee ka Socda magaalada London.” ayuu yidhi Mustafe Cabdi Xadi

Xogyihii hore ee Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland oo ay saaxiib dhaw yihiin Orodyahanka Sir Maxamed Faarax  waxa uu ku farxay isla markaana ku bogaadiyay halyaygan weyn ee wacdaraha ka muujiyay fagaareyaasha ciyaaraha adduunka. Waxaanu Xogyuhu sheegay inay guusha Mo Farah tahay guul u soo hoyatay shacabka  Somaliland iyo  Britain-ba.

Mustafe Cabdi Xadi waxa uu ku booriyay Orodyahanka caanka ah ee reer Britain, Mo Faarax, ayaa kalsooni ku qaba inuu ka soo kabsan doono dhaawac ka soo gaadhay tartankii Jimcihii, isagoo doonaya in guusha uu ka gaadhay orodka 10,000 ee mitir uu ku darsado billadda dahabka ee 5,000 ee mitir weega danbe.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY