Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobay Boutros-Ghali oo Maanta ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Masar

0
1007

CAIRO, Egypt  (HargeisaPress) —Xog-hayihii hore ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, sida uu sheegay Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Boutros-Ghali oo 93-jir ahaa ayaa waxaa tan iyo Toddobaadkii hore uu ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira halkaasoo loo daweynayay xanuun lasoo darsay.

 

Sidoo kale, Boutros-Ghali ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii Afrika ka socday ee Qabta Jagada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo xilka Qaramada Midoobay qabtay Sannadkii 1992-kii, isagoo Xilka hayay illaa sanadkii 1996-kii, kaddib markii Xukuumadda Mareykanka hor-joogsaday inuu mar kale isku soo taago xilka.

 

Xukuumadda Masar ayaa si rasmi ah u sheegtay in Boutros-Ghali uu Salaasada Maanta ah ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira, iyadoo Wargeyska Al-Ahram ee ka soo baxa Qaahira uu sheegay inuu miskaha ka jabay.

U.N. Secretary-General Boutros Boutros-Ghali is surrounded by members of the media as he leaves the White House after meeting U.S. President Bill Clinton, in this February 23, 1993 file picture. REUTERS/Stringer/Files
U.N. Secretary-General Boutros Boutros-Ghali is surrounded by members of the media as he leaves the White House after meeting U.S. President Bill Clinton, in this February 23, 1993 file picture. REUTERS/Stringer/Files

Muddadii uu ahaa Boutros-Ghali Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa calaamka ka dhacay is-bedello badan iyo dhibaatooyin murugo ku reebay Calaamka, kuwaasoo ay ka mid yihiin Bur-burkii ku dhacay Midowgii Sofiyeeti oo soo Af-jartay Dagaalkii Qaboobaa ee Dunida, isla markaana ay awooddu kusoo hartay ururka NATO oo uu hoggaaminayo Mareykanka.

 

Intii uu xilka hayay Boutros-Ghali ayaa waxaa sidoo kale dhacay xasuuqii dalka Serbia ka dhacay ee lagu dilay in ka badan 8,000 qof oo Muslimiin ahaa, Xilli Qaramada Midoobay ay sheegtay in Serbia ay ka jirto nabad, taasoo Qaramada Midoobay ay kala kulantay Waji-gabax.

 

Waxyaabaha kale ee lagu xusuusan karo xilligii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahaa Boutros Boutros-Ghali ayaa waxaa ka mid ah; Xasuuqii ka dhacay Rwanda oo muddo 100-casho oo keliya lagu dilay in ka badan Hal Milyan oo ruux 1994-kii.

 

Ugu dambeyn, Boutros-Ghali oo ay u dhaxday haweeney kasoo jeedda Yuhuuda Masar oo lagu magacaabo Lea, ayaan wax Carruur ah isku dhalin, isagoo kasoo jeeday Masiixiyiinta tirada yar ee Waddanka Masar ayaa ka dhashay Qoys Siyaasadda muddo Fog ku soo jiray, Wuxuuna ahaa Mas’uulkii ugu horreeyay oo Masari ah oo qabta Xilka ugu Sarreeya Qaramada Midoobay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY