Xoghayaha Guud Ee Wakiilada Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Warqad Xafiiska Xeer Ilaalinta Looga Soo Diray

0
1039

Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq SiciidHargeysa,(HargeisaPress) — Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid mad-madaw lagu galinayo Kiiska Walaashii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo hore si fool xun Hargeysa loogu dilay islamarkaana Sanadkan horaantiisii dadkii dilkaasi gaystay xukun lagu riday.

“Halkan maanta waxa iigu timid warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,waxaanay ay odhanaysaa Waxa lagaa doonayaa inaad timaado Xeer ilaalinta Guud ee qaranka Jamuuriyada somaliland si waxa lagaga waydiiyo arin xafiiska kuu taala,waxaana lagugu adkaynayaa inaad dhawrto wakhtiga warqadana waxa ku saxeenxan Ku sumaha Xeer ilaaliyaha guud Aadan Axmed Muuse,Sidaad la socotaana waxa jirtay dhacdo fool xun oo ka dhacday magaalada hargaysa taas oo La aasay Gabadh aanu walaalo nahay,Bahda Cadaaladuna way ii xukumeen wixii uu sharcigu ka qabayna way I marsiiyeen.”Ayuu Xoghayuhu ku yidhi Shir Jaraa’id oo uu saaka ku qabtay Xarunta Golaha wakiilada.

 

Xogahaya wakiiladu waxa uu Eedayn Culus u jeediyay Gudoomiyaha Qareennada Somaliland ““Ninka foosi la yidhaa waa guddoomiyaha Qareenada Maalin Maalmaha ka mid ahna waxaanu iskugu nimid Maxkamada Waxaana uu iigu jawaabay,Waxaan Doonayaa inaan kiiskan ka Noqdo Qareen oo aan siidaayo inantan kuna reebana  kuwaad isku reerka tihiin ayuu afkiisa igaga yidhi,markaas warwarkan aan ka qabaa waa ninkaas foosi,Hadaad maqli jirteen Haa’yado ayaa lacago soo bixiya Gaadhiga uu wato haay’adda ayaa siisay,Dadka dhiigooda ayuu ka baac-muushtareeya iyaga ayaa ka kaw ah,Qof danbiilaha ahna danbigii uu lahaa marin habaabiya” Ayuu yidhi Xoghayuhu.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in Warqaddan aan loo soo marin nidaamkii Sharciga ahaa islamarkaana aan Golaha uu Xoghaynta u yahay iyo Shir gudoonka aan lagu socodsiin balse isaga Shakhsiyan loogu soo diray, taasi oo Hanaankii dawladnimo baalmarsan sida uu sheegay. Waxa uu sheegay inuu warqadaasi u gudbinayo Shir gudoonka islamarkaana halkaasi lagaga jawaabi doono Warqada.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here