Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Dawlada Hoose Oo Maanta Isku Laayay Muran Cashuureed .

0
1028

Cabdiraxmaan Nuur AbokorGabiley , (HargeisaPress) — Abaaro 1-dii Duhurnimo Ee Maanta Ayaa Waxaa Xafiiska Cashuuraha Dhulka Ee Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ku Dagaalamay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Cabdiraxmaan Nuur Abokor Iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Ee Dawlada Hoose Oo Khilaafkoodaasi Sida Naloo Xaqiiyay Ka Bilaabmay Khilaaf Salka Ku Haya Muran Cashuureed  .

Maxamuud Cismaan Cali Waa Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Markii Khilaafkaasi Dhacayay Goob-joog Ka Ahaa Isla Markaana Noo Xaqiijiyay Warkani , Ayaa Waxa Uu Noo Sheegay In Isaga Oo Ku Sugan Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Uu Habeen Hore Warbaahinta Ka Arkay Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Baahinaya In Qofka Dhul Ku Leh Degmada Gabiley Ee Aan Ka Bixin Cashuurtii Ku Waajibtay Dhulkiisaasi Ay Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley  Kala Wareegi Doonaan .

Maxamuud Cismaan Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Yidhi “ Markii Aan Intaa Daawaday Ayaa Waxa Igu Dhalatay Aniga Oo Ku Sugan Magaalo Xuduudeedka Degmada Tog-wajaale In Aan Gaadho Magaalada Gabiley Isla Markaana Aan Iska Soo Bixiyo Baloodh Aan Ku Leeyahay Faras-magaalaha Gabiley Cahuurtiisii Oo La Igu Lahaa Laba Sano , Ka Dib Markii Aan Saaka Soo Gaadhay Degmada Gabiley Ayaa Waxaa Aan Si Deg-deg Ah U Tagay Xarunta Dawlada Hoose Ee Gabiley Wakhtigaasi Oo Ahayd Ilaa 12:30 Pm (Duhurnimo) Oo Aan Ka Gaadh Is-lahaa Inta Aanay Rawixin Shaqaalaha , Maadaama Ay Xili Danbe Ahayd , Nasiib Wanaag Waxa Aan Gaadhay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Xafiiska Cashuuraha Dhulka Oo Ay Markaasi Ku Sugnaayeen Shaqaalaha Waaxdaasi ,Kadib Markii La Ii Baadhay Buuga Cashuuuraha Ayaa Waxaa Laga Helay 2-sano In Aanan Cashuur Bixin , Waxa Ay Shaqaalaha Waaxdaasi Ii Qiimeeyeen Labadaas Sano Cashuurtoodii , Ka-dib Waxa Aan Ka Codsaday Shaqaalaha In Sanad La Iga Daayo Cashuurta Sanadka Kale-na Aan Bixiyo Imika Maadaama Aanan Wada Hayn Kharashka Ay Igu Soo Daleceen .

Intaa Ka Dib Waxa Ay Shaqaaluhu Ii Sheegeen In Maamulka Waaxdani Looga Sareyo Isla Markaana Aanay Go’aan Ka Gaadhi Karin Cashuurta , Markii Ay Intaa Shaqaaluhu Ii Sheegeen Ayaa Waxa Xafiiska Soo Galay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Waxana Ay Shaqaalihii Xafiiska Joogay Ii Sheegeen In Aan Kala Hadlo Agaasimaha Oo Ah Ninkan Imika Soo Galay , Dabadeed Waxa Aan U Tagay Agaasimaha Waaxdaasi Waxaanan Uga Waramay Arintii , Wuxuu Ii Sheegay In Aanu Ka Dayn Karin Wax Caashuur Ah Maadaama Amar Adag Lagu Siiyay In Uu Deg-deg U Soo Xereeyo Cashuuraha , Intaa Ka Dib Waxa Aan Khadka Telefoonka Kula Hadlay Mid Ka Mida Meheradaha Magaalada Wajaale Oo Ay Lacagi Ii Taalay , Waxaanan Ka Codsaday In La Iigu Soo Diro Lacagta Adeega ZAAD , Dabaded Lacagtii La Ii Soo Dirayay Ayaa Iga Raagtay Waaxa Aan Mudo Daqiiqado Ah Fadhiistay Barxada Hore Ee Xafiiska Si Aan U Sugo Inta Ay Lacagtu Iisoo Dhacayso .

Intaa Ka Dib Waxaa Dawlada Hoose Soo Galay Xoghayaha Fulinta Dawlda Hoose Ee Gabiley Oo Dag-degaya Waxa Uu Si Deg-deg Ah U Galay Xafiiskii Cashuuraha Dhulka , Waxa Xafiika Xagiisa Danbe Isla Galay Xoghayihii Iyo Agaasimii Cashuuraha , Cabaar Ka Dib Waxa Buuq Iyo Qaylo Dhaadheer Is Dhaafsaday Labadan Mas’uul  Waxaana Ay Albaabka Xafiiskii Ay Ku Jireen Iskala Soo Baxeen Iyaga Oo Sida Ciyaalka Isku Caayaya Oo Midba Midka Kale Hooyadii Iyo Aabihii Caayayo Kolkolka Qaarna Xoghayuhu Leeyahay Waa In Albaabkii Loo Celiyo Gurigii , Agaasimuhuna Leeyahay Dadka Ama Waa Laga Wada Dhaafi Ama Waa La Wada Bixin Cashuurta Ee Dadku Way Simanyihiin .

Intaa Ka Dib Waxa Aan Galay Xafiiskii Oo Ay Labadii Mas’uulba Ka Soo Baxeen , Waxana Aan Waydiiyay Shaqaalaha  Waxa Ay Isku Laynayaan Labadan Mas’uul ? …. Waxaana Ay Ii Sheegeen In Guri Ku Yaala Magaalada Gabiley Oo Aan Cashuur Laga Qaadin Mudo 8-Sano Ah Maanta Albaabkii Laga Soo Furtay Ka Dibna Xoghaye Cabdiraxmaan Nuur Difaacayo Oo Uu Leeyahay Gurigaasi Maxaa Albaabka Looga Soo Qaaday ? Gurigaasi Waa In Lagu Qoro Dhaafid Iyo Erayo Noocaasa , Markii Intaa Ay Shaqaaluhu Ii Sheegeen Ayaa Waxa Ii Cadaatay In Cashuurta Laga Qaado Oo Kaliya Dadka Aan La Garanay Ama Jilicdasan (Masaakiinta Ah) Ee Loo Daayo Dadka Wajiga Iyo Magaca Leh Iyadoo Lagu Ixtiraamayo Dano Gaar Ah  .

Si Kastaaba Ha Ahaatee 3-Cisho Ka Hor Ayay Ahayd Markii Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Ay Horkacayaan Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Cabdiraxmaaan Nuur Abokor Ay Shir Jaraa’id Ku Qabteen Xafiiska Maayarka Iskugu Yeedheen Dhamaan Shaqaalaha Waaxda Cashuuraha Oo Ay Ku Amrayeen In Dhamaan Cashuuraha Ay Dawlada Hoose Leedahay Deg-deg Loo Soo Xereeyo .

Isku Soo Wada Duuboo Saaka Subaxdii Hore Ayay Ahayd Markii Aqalka Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Oo 2-Sano Lagu Lahaa Cashuurta Ardiyada Albaabka Laga Soo Furtay Kadibna Markii Laga Soo Qaatay Albaabka Uu Isaga Oo Hargaysa Ku Maqan Lacagii Soo Diray Sidaana Ku Bixiyey Cashuurtii Ku Waajibtay , Laakiin Waxa Aan La Garanayn  Sababta Ku Kaliftay Xoghayahe Cabdiraxmaan Nuur Musuq-Maasuqa Intaa Leeg Ee Uu Guryaha Dadka Uu Wajiga Ka Doonayo Ugu Dagaalamayo Isla Markaana Guri 8-sano Lagu Lahaa Cashuurtii Uu U Dagaalamayo , Dhanka Kale Xoghaye Cabdiraxxmaan Nuur Oo Aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay Si Aanu Wax Uga Waydiino Arimahani Ayaanay Noo Suurta Galin Ka Dib Markii Uu Telefoonkiisa Gacanta Qaban Waayay .

La Soco Qaybo Danbe Oo Ku Saabsan Musuq-Maasuqa Xadhkaha Goostay Ee Xoghaye Cabdiraxmaan Nuur Abokor .

Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Bade400@gmail.com

LEAVE A REPLY