Xoghayaha difaaca Ingiriiska oo kulan la yeeshay Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland + SAWIIRO

0
1356

Hargeysa  (HargeisaPress) —Wasiirka Gaashaandhiga Eng:Ciise Xawar iyo taliyaha ciidanka Militeriga Somaliland Gen:Nuux Taani ayaa Somaliland ku soo dhoweeyey xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska  Gavin Williamson oo maanta ka soo degay  garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.

Wasiir Ciise Xawar ayaa sheegay in cid kasta oo wax wada qabsanayaan soo dhoweynayaan,isla markaana xoghayha difaaca Uk ku soo dhoweynayaan Somaliland.

“Waxaanu dalka ku soo dhawaynaynaa Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland hiigsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka.”ayuu yidhi Ciise Xawar.

Xoghayaha difaaca dawladda Ingiriiska ayaan hore loo sii shaacin imaanshihiisa,haseyeeshee waxa uu la kulmay wasaaraadda Gaashaandhiga iyo taliyaha guud ee Ciidanka Militiga iyo saraakiishiisa.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa  Xafiiskiisa Ku Qaabiley xoghayaha Difaaca Dawladda Ingiriiska.

Kulankan ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Britain oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Somaliland.

“kulankaasi wuxuu ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Britain iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here