Xoghayaha Dawlada Hoose Hargaysa oo Beeniyay inay la Iibiyay Wadada isku xidha Degmooyinka 26June Iyo Axmed Dhagax kana Warbixiyay Qorshayaasha ay wadaan.

0
998

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xogahayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Hargaysa Mudane. Axmed Maxamed c/laahi (Darajo), oo maanta u waramaayay qaar ka mida warfidiyeenada Dalka ayaa  ka warbixiyay  Qorshayaasha u yaala  Dawlada Hoose oo iskugu jira dhanka Bilicda,Wadooyinka iyo cashuuraha isaga oo sheegay inay hada wadaan  Wadooyin badan oo ay ka wadaan  guud ahaan  Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, kuwaas oo ka kooban wadooyin la dhisaayo iyo kuwo la banaynaayo.

 

Xoghaye darajo oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in hada caasimada ay ka wadaan olole wadopoyinka lagu baneynaayo islamarkaana dadka degan badhtamaha wadooyinka laga raraayo isaga oo shacabka ugu baaqay in aanay xidhin wadooyinka Hareeraheeda .

 

Geesta kalana Xoghayaha Fulinta ayaa beeniyay in la Iibiyay wadad isku Xidha Degmooyinka 26June Axmed dhagax oo ay dhawaan dadka degani sheegeen In laga iibiyay Ganacsadaha ina Xarbi  balse Xoghayaha ayaa arintaasi ku eedeeyay saxaafada isaga oo sheegay in saxaafadu Bunbuunisay oo aanay waxba ka jirin .

 

Dhinaca kale Xoghayaha Dawlada hoose oo aanu wax ka waydiinay halka uu ku dambeeyay go,aan ay Dawlada hoose hore u soo saartay oo ahaa ina Koloyada jaadka u saarayaan darafyada magaalada Hargaysa  iyo Qorshaha uga yaala Kolayada bilic darada ku haya caasimada Dhexdeeda isaga oo ku jawaabay inay hada wadaan qorshahaasi  oo ay u saarayaan magaalada koornaheeda ,balse waxa uu sheegay in ugu tag laayahiin inay galaan xero jaada.

 

Halkan ka Dhegayso  warkaasi oo dhamays tiran

 

Mustafe Axmed (Herer) HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here