Xoggo Sheegaya In Madaxweyne Siilaanyo Laba Wasaaradood Oo Muhiim Ah U Kala Qaadayo 4 Wasaaradood

0
1179
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa la sheegay inuu ka baaraan dagayo qorshe uu Laba Wasaaradood u kala qaadi lahaa oo uu uga dhigi lahaa Afar wasaaradood,kuwaas oo mid walba laga dhex samaynayo wasaaradd kale.

Inkaste oo aanu jirin warar rasmi ah haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in madaxwayne Siilaanyo uu dhawaan kala jebiyo wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Sida ay sheegayaan wararkan xog ogaalka ah ee uu helay wargeyska Geeska Africa ,wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa laga yaabaa inuu madaxwaynuhu u kala qaybiyo laba wasaaradood oo kala ah wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Tacliinta sare oo mid kaste sida la sheegay yeelan doonto wasaaradeeda u gaarka ah.

Sidoo kalena wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa la sheegayaa in laga yaabo in madaxwaynuhu u kala qaybiyo wasaaradda Amniga Qaranka iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Dawladaha Hoose.

Lama garan karo in madaxwaynuhu wasaaraddaha la kala qaybinayo u dayn doono wasiirada hadda jooga iyo inuu u magacaabi doono wasiiro iyo masuuliyiin cusub.

Laakiin Labada wasaaradood ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hadda waxa wasiiro ka ah wasiiro kasoo kala jeeda gobolada Awdal iyo Sool,waxaana wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare wasiir ka ah Cabdilaahi Ibraahin Habbane oo ah siyaasi aftahan ah oo intii Somaliland xornimadeeda lasoo noqotay lasoo shaqaynayey Golaha Guurtida,isaga oo qayb muhiima ka qaatay nabadayntii,waxaana uu kasoo jeeda gobolka Awdal.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa isna waxa wasiir ka ah Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” oo isna kasoo jeeda gobolka Sool,waxaana uu noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee kasoo jeeda gobolka Sool ee wasaaraddan miisaanka leh qabta.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo uu Geeska Africa isku dayey inuu jiritaanka xogahan wax ka waydiiyo ayaanay noo suurto galin kadib markii uu telefoonkiisa nooga jawaabi waayey.

Hore ayaa uu madaxwayne Siilaanyo intii uu xilka hayey marar badan oo kala duwan u kala dhambalay wasaarado kamid ah xukuumaddiisa oo  marka hore ku bilaabmatay 26 wasaaradood oo kaliya.Waxaana ay arrintani hadii ay dhacdo sii kordhinaysaa golaha wasiirada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo xukuumaddii ka horreysay uu ku dhaliili jiray tiro badnaanta wasaaradaha balse uu isagu u biyo shubtay in uu dhiso wasaaradihii abid ugu tirada badnaa ee so mara Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here