Xisbiyada Mucaaridka oo Ammaanay Qaabka Komishanka Doorashooyinku u Wado Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
900

HARGEYSA ,(HargeisaPress) — Saddexda xisbi qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa yeeshay kulan albaabada la isu xidhay oo lagaga hadlay  diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Komishanka Doorashooyinka, waxa markii laga dareeray saxaafadda xog ka siiyey guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, kuwaasoo sheegay in lagaga hadlay halka ay marayso tijaabada diiwaangelinta codbixiyayaasha, iyagoo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID ammaanay qaabka Guddiga Doorashooyinku u waddo hawlaha diiwaangelinta.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caddeeyey in Guddida Doorashooyinku u sheegeen in tijaabadii diiwaangelinta cod-bixiyaha lagu guulaystay, wixii farsamo ah ee hadhayna xisbiyada qaranku kulan ka yeelan doonaan.

“Komishanka Doorashooyinka ayaa u yeedhay axsaabta qaranka si uu warbixin u siiyo ku saabsan halka ay marayaan arrimaha diiwaangelintu, waxaanad la socoteen in la qaaday tijaabo bishii 6aad oo tijaabadaas sida Komishanku warbixinta nagu siiyey oo 100% lagu guulaystay, waxana la geli doonaa sidii diiwaangelinta loo bilaabi lahaa oo ka mid tahay qaybo-tirka wixii xeerka ka qabyo ah, wixii kale ee farsamo ahna guddi axsaabta qaranka ayaa berri (maanta) isaga iman doona si ay isula eegaan. Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in diiwaangelinta nidaamkeedii meel fiican marayo oo bilaabmi doonto waqtigeedii,” ayuu yidhi Md. Cirro.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna xusay in Komishanka Doorashooyinku u sharraxeen qaabka loogu guulaystay diiwaangelinta cod-bixiyaha ee tijaabada ahayd, xisbi ahaanna ku qanceen habka loo diyaarinayo diiwaangelinta, “Waxa xog-warran nalaga siiyey halka ay marayso arrimihii diiwaangelintu iyo tijaabadii la qaaday bishii June ee sannadkan. Aad iyo aad ayaannu ugu faraxsannahay dedaalka ay muujiyeen Komishanku, tijaabadii diiwaangelintuna 99% aad ayuu u fiican yahay, waana nidaam lagu dhiirran karo oo lagu hawlgeli karo. Waxay hawshu ku hadhay xukuumadda iyo xeer-dejinta, laakiin hawlihii xagga farsamada ahaa si fiican ayey u socdaan, waanuna ku kalsoonnahay.”

Eng. Faysal oo la waydiiyey inay xisbiga WADDANI ku kala aragti duwan yihiin sida loo soo kala horraysiinayo doorashada Golaha Wakiillada iyo ta Madaxtooyada waxa uu ku jawaabay; “Arrimahaasi waa arrimaha laga shiri doono. Waxaannu jecelnahay sidii caadada ahaan jirtay in madaxtooyadu gogosha u fidiso arrimaha taagan ee la xidhiidha doorashooyinka oo aannu mid-mid u dul-istaagno, markaa wixii saddexda xisbi ku heshiyaan ayaa soo bixi doona, in aannu ka hor dhacnana maaha.”

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Shabeel, ayaa isaguna dhankiisa qiray inay ku qanceen warbixinta Komishanku ka siiyey diiwaangelinta, waxaannu yidhi; “Komishanka Doorashooyinku warbixin yididiilo leh ayey na siiyeen, hawsha ay qabteena waxaannu u aragnay inay meel wanaagsan marayso, balse waxaan idin odhan lahaa arrimaha jira iyo waddankaba waxaad ku kharribtaan warar wax alaale iyo wax ka jiraa aanay jirin, warbixinta ay halkan nagu siiyeen waxay noogu sheegeen in tijaabadii lagu guulaystay, jaraa’idkeenna magaalada ka soo baxaana waxay qorayeen in tijaabadii diiwaangelintu fashilantay.”

Geesta kale, Mr. Shabeel waxa uu ka hadlay dareenka xisbigoodu ka qabo muddo-kordhinta Madaxweynaha ee beryahan dambe aadka loo hadal-hayey, isagoo saxaafadda ku eedeeyey inay buunbuuniyeen wararka ku saabsan arrintaas iyo dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka, “Muddo-kordhinta aad imminka ka hadlaysaan idinka ayaa bilaabay oo faafinayaa. Ma idinka ayaa doonaya in muddo-kordhin la sameeyo oo doorashooyinka dib loo dhigo? Waxaannu idin siinaynnaa oo la idiin sheegay, guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ahna idiin sheegin in hawlaha diyaargarawga doorashooyinku meel fiican marayaan, wax cabasho ahna kamaydaan maqal. Markaa muddo-kordhintan aad dadka sanka ka marmiraysaan maxaad uga jeeddaan? Idinka ayaa bilaabaya oo wada saw maaha?” ayuu yidhi Mr. Jaamac Shabeel.

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here