Xisbinimo Ma Magacbaa ?

0
2016
Samia Muse

Xil siyaasi gudan karaa uma eegtid garasho, karti iyo go’ankee ! Waxaad garabka saartaan kiina gowska dhaafsada qaranima loo go’ay !

Nin Malab iibin jiray aya weydiiyay nin khalka iibiya (maxay Dadku u dhaafan malabka macaan een iibiyo una iibsadaan khalka aad iibiso?). Wuxu ugu jawaabay (khalka waxan ku iibiya hadal macan adna waxad malabka ku iibisaa hadal xun!!!) shaqadaada wanagsan ku kab hadalkaga wanagsan!

Xisbiyada qaranku waa muraayada guud ee dawladaha cusub lagu dhisi karo !! Xisbigu waa gole dad kala duwani isku yimadaan danta guudina ay midayso ! Xisbigu waa gole fikir iyo aqoon lagu biiriyo ! Xisbigu waa gole tacab iyo maal la galiyo ! Xisbigu waa gole dadka lagu kasbadu si taageero shacabka looga helo!

Siyaasada xisbiyadu waa fan iyo xirfad ee maaha meel tartan iyo is reeb reeb lagu ciyaaro ama qori isu dhiibka , xisbigu waa meesha madaxaweynaha lagu dhiso kana soo hilaaco , markaa sidaas awgeed waa in si dhawrsan sharciyada iyo nidaamka xisbigyada loo ilaaliyo lagana saaro qof lahaanshaha.

Ha ka guban walaalka

Wuxu libin gudoonsadu

Hana noqon qof gaasira

Guusha aadmi taransadu

Marna yaan go’an lii

Hadba gees laguu wadin

Gadhwadeen laguu noqon

Mabda’aga garashadu

Gundihiisa yoo tagin

Nin ku gaadhay tuu rabay

Samia Muse

LEAVE A REPLY