Xoghayahii Guud Ee Xisbiga Waddani Oo Laga Qaaday Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaas

0
1467
Guddoomiye Cirro iyo xoghayihii guud ee xilka laga qaday Maxamed Cabdilaahi Uurcade

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hoggaanka fulinta ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xilkii  ka qaaday xoghayihii guud ee xisbigaas Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ay ku eedeeyeen inuu ka horyimid xisbiga oo uu dhaawacay midnimada xisbiga.

Gudida fulinta ee shirka isugu timi ayaa ahaa 36 xubood waxaanay 34 xubnood oo ka mid ah ay u codeeyeen in xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade laga xayuubiyo guud ahaanba xilalkii uu ka hayay xisbiga Waddani iyo xubinnimdii xisbiga.

Gudoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo fadhigan gudida fulinta shir gudoominayay waxa uu yidhi “Waxa halkan isugu yimi gudiga fulinta ee xisbiga Waddani oo ay goobjoog yihiin 36 xubnood gudiga fulinta waxaan isugu yeedhay iyaga oo ah haayada ugu saraysa awooda xisbiga si ay go’aan uga gaadhaan arin muhiim ah, waxaad ka warqabteen in xoghayaha guud ee xisbigu uu saxaafada la hadlay tobankii bisha laba jeer, arintaasi markii ay dhacday hoggaanku shirbuu isugu yimi laba jeer waxaana lagu heshiiyay, in saxaafada aanay ka hadal guddoomiyaha iyo xoghayaha guud, hoggaanka intiisa kale waxay saareen gudi shan xubnood ah oo arinta ka soo baaraandegta oo talo soo jeedin ka soo dirta, gudidaas shanta xubnood ah maanta waxay ku soo celiyeen talo soo jeedintoodii hoggaanka xisbiga oo aan anigu ka madax ahay.dood dheer oo saacado qaadatay ayay ka yeesheen arinkaas.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkii sii wataa waxa uu yidhi”Markay eegeen arintii maalintii hore, markii ay eegeen go’aankii hoggaanka ee uu xoghayaha guud u hoggaansani waayay, markay eegeen in xisbiga uu dagaal cad ku soo qaaday xoghayaha guud isaga oo hadaladiisu ay u badnaayeen kuwo xanbaarsan isku dir xanaf iyo turxaan abuur uu kala dhex dhigaayo deegaano ka mid ah Somaliland iyo xisbiga iyo siyaasiyiin iyo xisbiga,xoghayaha guud waxa uu ka soo horjeestay guusha xisbiga isaga oo tilmaamay in aanu xisbigu guulaysanan Kulmiyena laga guulaysan karayn, taas oo shaki galin karta daacadnimada xisbiga. waxa kale oo aad ka warqabtaan in go’aano hore uu u gaadhay xisbigu oo uu meel adag iska taagay oo uu ka mid ahaa saldhigu uu xoghayaha guud ka soo horjeestay, taas oo muran badan xisbiga ka dhex dhalisay, xoghayaha guud intaas oo jirta ayuu ergo u dirsaday rag xisbiga ka tirsan oo afar xubnood ah, subaxaas uu jaraa’dka la hadlaayayna waxaanu balansanayn in aanu hawshaas dhamayno labadayadu, anigana iima uu iman gudidiina kumuu noqon, waxa uu jabiyay go’aankii hogaanka xisbiga ee ahaa in aan warbaahinta la’la hadalin isaga oo la hadlay ugu yaraan laba jeer,isaga oo been abuur badan ka sheegay xisbiga.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii waday waxa uu yidhi”Markay waxyaabahaas oo dhan qiimeeyeen hogaanku oo waliba aan anigu ka maqnaa si daahfurana ay u doodeen waxay isku wada raaceen, in maadaama oo uu xeerkii xisbiga ka horyimi, barnaamijkii xisiga ka horyimi,midnimadii xisbiga dhaawacay, waxaanay isku waafaqeen hogaanku in xilka laga qaado xoghayaha guud ee xisbiga Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade iyada oo loo raacayo hanaanka sharciga ee xisbiga qodobkiisa 37-aad  oo siiyay guddoomiyaha inuu u soo jeediyo gudida fulinta xubinta hoggaanka sare ku jirta ee xisiga laga qaadayo, waxay soo jeediyeen aniguna aan ku waafaqay oo aan soo jeedinayaa in xilka laga qaado xoghayaha guud, waxaan soo jeedinayaa oo kale in laga saaro hoggaanka,fulinta,golaha dhexe  iyo xubin nimadii xisbiga.”

Ugu danbayntii waxa uu ku dhawaaqay Guddoomiye Cirro inay xoghayaha guud ka qaadeen dhamaan xililkii uu ka hayay xisbiga Waddani iyo xubinnimadii xisbigaba”Waxa u codeeyay 34 xubnood,cid diiday ma jirto, hal xubin ayaa ka aamustay, gudoomiyuhuna muu codayn sidaas ayuu ku ansaxay.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY