Xisbiga Waddani Oo Markale Mudaharaad Ku Wargaliyay Wasaaradda Daakhiliga

0
905

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markaleWasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ka codsaday  samaynta Mudaharaad nabadgalyo oo uu ku diidan yahay Muddo kordhinta Xukumadda Siilaanyo loo sameeyay.

Xisbiga oo hore u codsaday dibadbax ayaa Wasiirka arrimaha guduhu diiday isagoo ku sababeeyay arrimo amaan. Xukumadda ayaa Mudaharaadkii Isniinta la filayay ku baajisay Cudud islamarkaana xidhay badiba Masuuliyiintii qalqaalin lahaa Dibadbaxa.

Warqadda Waddani ayaa lagu yidhi “Anagoo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee u Ogolaanaya Muwaadiniinta Isu-soo-bax salmi ah, oo aanu ku muujinayna mawqifkayaga iyo diidmadaya Xisbiga waddani kaga soo horjeedo muddo kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee ahaa wakhtigii Komishanka ka soo baxay.

wadani mu

Sidaas darteed, Xisbiga Waddani isagoo ka duulaya dastuurka qaranka qodobkiisa 32-aad farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad Ogolaanaya in Muwaadiniintu sameeyaan Muddaharaad Salmi ah, waxaanu ku wargalinaynaa wasaaradda arrimaha gudaha inaanu samaynayno mudaharaad salmi ah oo ka dhici doona guud ahaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaad ka gudan doontaan waajibaadkiina oo ah ilaalinta amaanka isu soo baxayaasha”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here